Somali News
    Hees  

Shirkii kooxda xiriirka caalamiga & Soomaalida oo la soo gabagabeeyey & warmurtiyeed laga soo saaray

Roma Talaado 3 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Shirkii kooxda xiriirka caalamiga & Soomaalida oo la soo gabagabeeyey & warmurtiyeed laga soo saaray

Shirkii kooxda xiriirka caalamiga ah & darafyadda Soomaalida uga soconayey dalka Talyaaniga ayaa caawo lagu soo gabagabeeyey xarunta wasaaradda arrimaha dibedda Talyaaniga, waxaana shirkan oo soconayey 2 cisho uu ahaa kii ugu dambeeyey ee ay isugu yimaadaan kooxda xiriirka caalamiga ah gabagabadiisa laga soo saaray war-muriyeed ay isku raaceen dhinacyadii ka soo qeybgalay.

Xubnaha shirka ka qeybgalayey ayaa loo qeybiyey warmurtiyeedka, waxaana ergada ay waqti u helaan in ay ka doodaan qodobada qaar, oo wax laga bedelay, qaarna sidooda la isugu yeeray in loo ansixiyo.

R/wasaaraha xukuumadda federaalka Prof. C/weli gaas ayaa shirka xiray ayaa uga mahadceliyey ka soo qeybgalayaasha shirka, si hufan ee looga hadlay ajendayaasha shirka & natiijada wax ku oolka ah ee ka soo baxday

"Ummadda Soomaaliyeed wixii ka dambeeya 20-ka Ogoosto oo ah xilligii loo qoondeeyey in ay dhacdo doorashada madaxweynaha waxaan rajeyneynaa in ay tiigsadaan barwaaqo & raynrayn" ayuu yiri C/weli.

"Gobolada laga xorreeyey Alshabaab waa in maamul loo sameeyaa, waana in hadal keliya aysan howsha ku ekaan oo horay loo socdaa, lana dardargeliyo howlaha yaala" ayuu yiri Prof. C/weli gaas, wuxuuna intaa ku tegay "Alshabaab weli ma tegin, Somaliland & Puntland ayey u jiheysteen waxeyna qorsheynayaan in ay saldhig ka sameystaan buuraha Galgala ee Waqooyi bari ee Soomaaliya, waana in laga hortagaa".

"Doorka ahlusuna waljamaaca ee ku aadan ka xorreynta shacabka kooxaha argagixisada waxaa ku soo gaaray ciidamadooda dhimasho & dhaawac aan ciddina ku taageerin, waxaana ka codsaneynaa beesha caalamka in ay dib u eegaan qorshaha ku aadan taageerada ciidamadda, kuna daraan ajendahooda ahlu-suna waljamaaca" ayuu yiri Max'ed Khaliif Jaamac oo ah madaxda xiriirka caalamiga ah ee ahlu suna.

Nuxurka qoraalka ayaa warmurtiyeedka ayaa ahaa sidatan:-

ICG Waxey qiimeeyeen arrimaha siyaasadda Soomaaliya, waxeyna sheegeen in ay ka go'an tahay in xilliga kala guurka ah uu dhammaado 20-ka Ogoosto, sida lagu xusay Kampala accord & heshiisyadii ka dambeeyey oo dhan.

ICG waxey soo dhoweynayaan heshiiska lagu gaaray Nairobi 22-kii June ee ku saabsan qabya qoraalka dastuurka oo loo bandhigi doono golaha ansixinta dastuurka.

ICG waxey ka codsadeen dowladda in la dedejiyo waqtiga loo qabtay dhammeystirka xilliga kala guurka & ansixinta dastuurka si waqtigii loo qabtay loo xulo baarlamaanka.

ICG waxey ugu hambalyeeyeen xukuumada KMG ah horumarka laga sameeyey road-map-ka, waxeyna ka codsadeen dowladda in waxyaabaha ka dhiman la dhammeystiro.

Waxey cambaareeyeen qaraxii ka dhacay kaniisadihii Gaarisa Kenya, oo ay sheegeen inuu ahaa mid argagixiso.

ICG waxey soo dhoweeyeen horumarka ay ka sameeyeen dowladda KMG ah oo garabsaneysa xooggaga AMISOM deegaanadii laga xorreeyey Alshabaab.

Waxaa lagu taageeray heshiis ay wada gaareen dowladda KMG ah & Jmiciyadda qurmaha ka dhaxeysan, heshiiskaasoo qeexaya in dowladda Soomaaliya ay ku soo biirto heshiiska caalamiga ah ee diidmada askareynta caruurta.

Waxey soo dhoweeyeen go'aanka golaha ammaanka ee ku saabsan kordhinta ciidamada AMISOM, waxeyna soo dhoweeyeen ku biiritaanka dalalka Kenya, Nigeria, Jabuuti & Seraliyoon ee howlagalada nabaddeynta Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale lagu xusay xagga nabadeynta meelaha la xorreeyey in loo baahan yahay in laga caawiyo sidii looga dhisi lahaa maamulo deegaameed (local adminstration), waxeyna soo dhoweeyeen horumarka ay sameeyeen maamul goboleedyada qaarkood sida Somaliland, Galmudug, Puntland & deegaanada ay ka taliyaan Ahlusuna wal jamaaca.

Sidoo kale in la dhiso hay'adihii garsoorka, lana caawiyo.

In la ilaaliyo xuquuqda dumarka, dadka tabaaleysan & caruurta.

ICG waxey soo dhoweeyeen go'aanadii ka soo baxay shirkii London & Turkiga, waxeyna ka codsadeen deeq bixiyeyaasha in ay taageero dhaqaale ku bixiyaan mashruuca dib u dhiska ciidamadda Soomaaliyeed (milateriga & boliiska) oo qorshahaasi ay soo bandhigeen dowladda Turkiga.





C/shakuur & Saalax dheere
Roma-Italy
E-mail s.dheere@hotmail.com
cabdishakuur48@yahoo.com

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)