Somali News
    Hees  

QM oo cambaareysay qaraxyadii Magaalada Gaarisa ka dhacay

Mogadishu Talaado 3 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

QM oo cambaareysay qaraxyadii Magaalada Gaarisa ka dhacay.

Xogayaha guud ee QM Ban Ki Moon ayaa waxa uu soo saaray war saxaafadeed uu ku cambaareenayo qaraxyadii ka dhacay magaalada Gaarisa ee gobolka waqooyi bari dalka Kenya kuwaas oo lala eegtay labo kaniisadood oo masiixiyiin ay ku cibaadaysanayeen.

Ban ki moon ayaa qarayadaasi ku tilmaamay mid ay geesteen dad ma naxayaaal ah oo uu sheegay inay doonayaan inay argagax ku beeraan dadka masiixiyiinta ah ee aadaya goobaha ay ku cibaadaystaan waa sida uu hadalka u dhigay.

“Wax micno ah ma soo kordhinayso in si ula kac ah loo barttilmaamsado dadka rayidka ah iyo goobaha ay ku cibaadaystaan , dadka falkaasi geestayna waa dambiilayaal” ayuu ban ki moon ku yiri warsaxaafadeedkiisa.

Xogayaha guud ee QM ayaa tacsi u diray ehelada dadkii waxyeelada ay ka soo gaartay qaraxaasi , isagoo tibaaxay in dowladda Kenya looga baahanyahay in si aad ah ay uga taxadirto amaanka goobaha muhiinka ah.

Maalintii axadda ayay ahayd markii qaraxyo ay ku dhinteen 17 ruux , in kabadan 40ruuxna ay ku dhaawacmeen lala beegsaday kaniisado ku yaala magaalada Gaarisa, waxana dowladda Kenya ay sheegtay in qaraxaasi ay ka dambeeyeen xarakada al Shabab inkastoo aysan jirin wax war ah oo dhanka al Shabab ku saabsan oo ay ku rumaynayso ama ay ku beeninayso eedeynta dowladda Kenya ay u soo jeedisay.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)