Somali News
    Hees  

Dowladda Kenya oo si weyn u adkeeyay ammaanka xuduuda ay la wadaagto dalka Somaliya

Mogadishu Talaado 3 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Dowladda Kenya oo si weyn u adkeeyay ammaanka xuduuda ay la wadaagto dalka Somaliya.

Xukuumadda dalka Kenya saraakiisheedda dhinaca amaanka ayaa adkeysay ammaanka xuduudda ay la wadaagto dalka Soomaaliya.si ay uga hortagto falalka Nabadgalyo xumi ee maalmahaan ka jiray qeeybo ka mid ah Goboladda waqooyi bari ee dalkaasi oo ay ka dhacaayeen qaraxyo lala beegsanaayo goobaha muhiimka ah iyo dilalka iyo weliba qafaalashadda dadka ajaanibrta ah ee ka hawlgalla gudaha dalka keenya.

Guddoomiye ku xigeenka golaha Baarlamanka Kenya ayaa sheegay in ujeeddada loga leeyahay ee loo adkeynayo ammaanka xuduudda ay tahay in aysan soo laalaaban falalka Nabadgalyo xumi ee ka dhacaayay gudaha dalkaasi Kenya .

Deegaanno badan oo ka tirsan gobolka waqooyi bari ee dalkaasi Kenya ayaa laga dareemay tallaabada ay Saraakiisha ciidamada amaanka ee dalka Kenya ku adkeeynayaan ammaanka iyadoo ciidamada dalkaasi ay qabqabteen tiro dad ah oo aan iyagu heysan wax sharciga dal ku gal ah ee ay haystaan aney jirin.

Tani ayaa muujineysa sida ay saraakiisha ciidamadda Amanaka ee dalka keenya ay kaga go,antahay inay la dagaalamaan kooxaha wax qarbudda ee malmihii la soo dhaafay deegaano badan oo ka mid ah gobolka waqooyi bari ee dalkaasi ka dhacaayay

Talaabadani ayaa ka dambeysay kadib markii ciidamada Xogga Dalka Soomaliya ay shalay soo furteen la heystayaal ajaanib ah oo laga soo afduubtay xeryaha Qaxootiga Dhadhaab.kuwaasi oo ay kooxaha wax qarbudda ka soo afdoobteen gudaha dalka keenya, balse ugu dambeeyntii ku guuldareysay gacantoodana laga bixiyay.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)