|
Beelaha Banaadiriga oo si weyn u xustay Munaasabadda 1-da Lulyo
Mogadishu Talaado 3 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Beelaha Banaadiriga oo si weyn u xustay Munaasabadda 1-da Lulyo
Dadka ku Abtirsada Qowmiyadda Beelaha Banaadiriga Soomaaliyeed ayaa shalay waxaay damaashaad la xiririra Maalinta Xornimada Gobollada Koofurta Soomaaliya iyo Midnimada Lbada Gobol ee Waqooyi iyo Koofureed ay ka sameeyeen Xaafadaha Degmada Xamar weyne ee magaalda muqdisho.
Socodkaa iyo damaashaadkaa ayaa waxaay sameynaye DadweyneReer Banadiriga oo xiran Dharka Calanka soomaaliyeed ka sameysan iyo kuwaha Hidaha iyo Dhaqanka Belahaasi u gaarka ah, iyagoo halkaa ku soo bandhigay ciyaaraha Hiddaha iyo dhaqanka Beelaha Banaadiirga lagu yaqaan.
Munaasabadaa ayaa waxaa soo Qabanqaabiyey Ururka Midowga Dhallinyarada Qowmiaydda Beelaha Banaadiriga Soomaaliyeed oo uu hor kacayo Guddoomiyahooda Md.Cumar Shariif Jeeg.
waxa ka soo qeyb galeen Munaasabadaasi Odyaasha Dhaqanka ,culimaa'uddiinka,Dhallinyarada Siyaasyiin,Haweenka iyo Marti sharaf kale oo ka kala socday Maamul goboleedka Raascaseeyr.
Qudbadii ugu horeysay ku furay Md.Cumar Shariif Jeeg oo yiri"waxaa aad iyo aad xusuus mudan inaan maanta u joogno xuska maalinta Qaranimada ummadda Soomaaliyeed waxaana la iloobi karin dadaalkii dheeraa oo ay u galeen 13-kii Dhallinyaro ee Soomaaliyeed ee SYL oo ah kuwa keenay Guusha Maanta aan heysanno iyagoo Raas Caseyr ilaa Raaskaanbooni gaarsiiyeen dadaalkooda xornimo doon calanka soomaaliyeedna laga tagay Gayiga soomaaliya guud ahaan, waxayna ay ahaayeen kuwo is dhaarsaday oo isku ujeeddo ah, isla qada oo isla quuta haddii ay wax heystaan, waana Alle Mahaddii Guushaas ay inoo soo hooyeenayuu Yiri Cumar Shariif oo dhanka kale rciyey waan og nahay Dhibaato badan inay u mutaysteen, waxaase ayaan darro ah in maanta 52 sano kasoo wareegtay maalintii SYL Guuleysatay in dib ay Soomaaliya isu xukumi weyso oo ay maanta mareyso marxalad ah oo ah in wax la iska maqli waayo oo dhammaan Soomaalida ay u xusul duubayaan sidii nin kastaba wax ku noqon lahaa, isagoon eegeyn halgankii la soo galay oo dhiigga loo daadiyey, loona galay jeelasha gumeystaashii dalka heystay iyadoo hantina loo huray waa nasiib darro in shacabkii uu yahay mid Madaxweynennimo, Xildhibaannimo iyo Odayaal dhaqan wada Raadinayan inay noqdaan Maanta ayuu yiri".
Dhinaca kale waxa uu isweydiiyey cidda qabaneysa shaqooyinka kale ee Bulshadu u baahan tahay oo ah "In dalka la dhiso, xoolaha la Raaco, Beeraha la fasho, kalluunka lala soo baxo, oo Qandaraasyada Dalka lagu dhisaayo yaa qaadanaya? waxaana qofka Damiirka leh ee Soomaaliyeed loo baahan yahay inuu ka shaqeeyo sidii Dalka uu ku Badbaadin lahaa, waxaana leeyahay shacabkoow haddaad aragtaan Nin Madaxweyene isusoo sharaxayo inuu yahay Mid Dalka inuu dhaco rabo, Ninka Muwaadinka ah xukun ma Raadiyo wuxuu Raadiyaa Badbaadada Dadkiisa iyo Dalkiisa, ma sax sana ayaan qabaa Dibad kii ka yimaada iyo kii Gudaha joogaba inuu isa soo sharraxo kii wax wanaagsan qabanaya shacabka isaagaa yaqaan" ayuu yiri mar kale Cumar Shariif, -isagoo raaciyey "Waxaan leeyahay maanta Dalka waa mid la Heysto haddaan been la isu sheegeyn" ayuu yiri Md.Curmar Shariif.
Dhanka kale waxaa ka hadleen Munaasadaasi Xildhibaan Maxamuud Sh.Cabdi isagoo sheegay inuu aad iyo aad ugu faraxsan yahay munaasabadda 52 guurada ka soo wareegtay maalinta xorriyadd Dalka soomaaliya wuxuuna intaa raaciyey in haglankii la soo galay libintana lagu gaaray ay soo hoyeen halgamayaashii xisbiga Leegada ee 13 Dhallinyaro ee SYL ku midowday waxaana ay aheyd midsoomaaliyda guud ahaan ku faraxsan tahay waxaan ummada soomaaliyeed u rajeynayaa guul iyo gobonnimo waarta.
Dhinaca kale xildhibaanka ayaa sheegay in 7 ka mid ah halgamayaasha asi 7 ka mid ahi ay ahaayen kuwa u dhashay Beelaha Bnaadiriga waxaan haatan beelaha banaadiriga ay yihiin kuwoo aan xuquuqdii halgankooda wax ku helin waxaan laga dhigay bar beelaha kale aan dhameyn waxaan leenahay ma oggolaaneyno in laga dhigo bar 4.5 waan ka soo horjeednaa mana qaadaneyno" ma wxaan kuwaayye in aan helo qeyb dhan inaan wax dilin, dhicin, kufsan, miyaan ku waayey inaan ku helo aqoonteyda, halgankeyga, dhalashadeyda iimaankeyga iyo axsaankeyga, waxaan u taaganahay in aan halganka umadda soomaaliyeed sii wadno, inaana nabad ku raadsano xaquuqdeyna inaan dadkeyna soo dhaweyno ayuu yiri Xildhibaanka isagoo farta ku goday inuusan yeeli doonin in loogu yeero baalaha 4.5ka in mardanbe wax loogu qeybiyo.
Waxaa ka hadlay munaasadaasi Madaxweynaha Dowlad Goboleedka RaasCaseyr Md.Faarax Maxamuud Dhexduul,Ra'iisalwasaaraha Maamulgoboledka RaasCaseeyr Md. Saciid Saalax, Md. Cilmi Allaale Gudomiye ku xogeenka Uk Marwo.Xaliimo Maxamed, Afhayenka Ururka Dhallinyarada Midowga DhallinyaradaQowmiyada Beelaha Banaadiriga Dr.C/risaaq C/laahi,Ugaaska beelaha Banaadiriga Ugaas C/qaadir Ugaas Xuseen, Marwo.Khadiijo Aadan, Md. C/laahi Maxamed Ciise,Dr. Cumar Cali Abati oo ah uddoomiyaha golaha aqoonyahanada beelaha banaadiriga iyadoo halkaa ay ku soo bandhigeen fannaaniinta kooxda Sheegoow Banda heeso iyo ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeedwaxaana ay ahyed xaflad si heersare ah loo soo agaasimay oo jawi wanaagsan ku soo idlaatayiyadoo ka dib shirjaraa'id ay ku qabteen hoolka xafladda hoggaanka banaadiriga waxaanaodayaasha dhaqanka ee arrimaha soomaaliya haatan loo igmaday ka codasadeen in dadka ay soo xulayaan ay noqdaan kuwa beelaha ay ka socdaan ku qanci karaanoo wax qabad leh dalka iyo dadkana badbaadin kara.











Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|