|
Kooxo hubeysan oo xalay dilay Taliyexigeenkii Booliiska Puntland ee magalada Garoowe
Mogadishu Talaado 3 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Kooxo hubeysan oo xalay dilay Taliyexigeenkii Booliiska Puntland ee magalada Garoowe
Kooxo hubeysan ayaa xalay magaalada Garoowe ee Puntland toogasho ku dilay taliye xigeenkii ciidanka booliiska Puntland, G/sare Cabdullaahi Saalax Nadaalo, iyadoo aan wax raad ah laga haynin kooxihii dilay oo iyagu baxsaday
Marxuumka la dilay oo ah Taliye ku xigeenka waxaa xilka laga qaaday 01-dii bishan, wuxuuna dilkiisku ka dhacay agagaarka hoteel Bulshaale oo ku yaalla bartamaha magaaladda Garoowe, iyadoo aan weli cidna loo qaban .
Dadka ku sugan magaaladda garoowe ayaa sheegaaya inay maqleen saddex xabbadood oo lagu dhuftay marxuumka iyadoo kooxihii dilkiisa ka dambeeyay ay si dhaqso ah u baxsadeen, waxaana tan iyo xalay socday baaritaanno ay sameynayeen ciidanka dabagalka ee maamulka Puntland.
"Dilkan wuxuu ahaa mid qorsheysan, waxaana socda baaritaanno lagu raadinayo cidii ka dambeysay iyo ciddii soo abaabushay," ayay saxaafadda u sheegeen saraakiil aan is-magacaabin oo ka tirsan ciidanka booliiska Puntland.
G/sare marxuum C/llaahi Nadaale oo 54-jir ah ayaa wuxuu dilkiisu qayb ka noqonayaa dhowr dil oo ka dhacay Puntland iyadoo maamulka halkaas ka jirana uusan inta badan wax ka qaban balse uu ku eedeeyo dilalka qorsheysan ee deegaannadooda ka dhaca Kooxdda Al-shabaab.
Weerarkan ayaa lagu tilmaamay inuu ahaa mid aad u xun, iyadoo aan weli la garan kooxihii geystay Dilkaan waxaana tani ay cabsi weyn ku abuurtay oo ay khalkhal gelineysaa dadka ku nool magaaladda Garoowe ee gobolka Nugaal.oo hoostagga maamulka ponttland ee goboladda W/Bari.
Maamaulka oo taageersan dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa waxaa saldhigyo ku leh Kooxo isqarinaya ee xiriir dhaw la leh kooxdda al-shabaab, iyadoo weli ay deegaanno ka tirsan maamulka puntland ay ka dhacaan dilal qorsheysan iyo qaraxyo.lala beegsaddo saraakiisha ciidamadda iyo kuwa maamulka Puntland.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|