Somali News
    Hees  

Dagaal xooggan oo xalay ka dhacay Degmada Bardaale iyo saraakiil Shabaab ah oo dagaalkaasi lagu dilay

Mogadishu Talaado 3 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Dagaal xooggan oo xalay ka dhacay Degmada Bardaale iyo saraakiil Shabaab ah oo dagaalkaasi lagu dilay.

Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac ee xalay dagaalamay ay isku adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan kadib markii kooxda Al-shabaab ay weerar ku soo qaaday fadhiisimo cidamada dowlada ay ku lahayeen Bardaale.
Ilaa iyo hada wax war ah kama soo bixin saraakiisha Al-shabaab oo ku aadan dagaalka xalay ka dhacay Bardaale ee dowlada KMG ah ay guulaha ka sheegatay.

Axmed Macalin oo ah Gudoomiyaha Degmadda Bardaalle ee maamulka dowlada KMG ah oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegayinay gacanta ku hayaan ciidamo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasoo ay ku soo qabteen dagaalkii xalay ka dhacay Bardaale.

Sidoo kale gudoomiyaha ayaa xusay in dagaalka ay ku dileen saraakiil sar sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab,isagoona tilmaamay in magacyada ay dib ka soo sheegi doonaan sarakiishaasi.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)