|
Ciidamada Amaanka ee Degmada Towfiiq oo gacanta ku dhigay rag xiran dharka Dumarka Dhac degmadasi ka geystay
Mogadishu Talaado 3 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ciidamada Amaanka ee Degmada Towfiiq oo gacanta ku dhigay rag xiran dharka Dumarka Dhac degmadasi ka geystay
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xaafada Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid ayaa sheegaya in Ciidamada Amaanka degmadasi ay duhurnimadii maanta gacanta ku dhigeen laba nin uu xiran dharka dumarka kuwaas oo oo xalay fal dhac ah ka geystay goob ganaacsi oo ku taal xaafada Towfiiq.
Labadan Nin oo ku hubeysnaa Qoriga AK47 iyo Bostoolad ayaa sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen waaxda nabadsugida ee Gobalka Banaadir waxaa ay ka mid ahaayeen dad sida la tilmaamay falalka Amaan darada ka sameyaa Muqdisho.
Waaxda Amaanka Gobalka Banaadir ayaa tilmaamay xogta ragan in ay ka heleen Nin Ganaacsade ah oo Xalay ay dhawaceen ragan ka dibna ay dhac u geysteen Goobtiisa Ganaacsida isagoo ku wargaliyay Ciidanka Amaanka in rag xiran Shukooyin ay dhaceen goobtiisa ganaacsiga isla markaana ay dhaawaceen.
Ragan iyo hubkooda aya meel fagaare ah lagu soo bandhigay Xafada Towfiiq si wajiyadooda ay u gartaan dadka xaafada.
Bilahii ugu dambeyay degaanada ay maamusho dowlada waxaa ka dilaacay kooxo abaabulay oo farsamoyin iyo xeelado cusub dhac ugu geystay meheradaha dadka Shacabka sida shirkadaha xawaaladaha iyadoo shirkadii ugu dambeysay oo ah Xawaalada Mustaqbal dhac logu geystay Degmada Waabari waana talaabadii ugu horeysay oo ay ciidamada dowlada ku guuleystaan soo qabashada Dadka Dhibaatada ku haya Shacabka Muqdisho
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|