Somali News
    Hees  

Dawladda KMG ah oo saxiixdaty hishiiska hakinta askaraynta caruurta

Mogadishu Arbaco 4 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 



Dawladda KMG ah oo saxiixdaty hishiiska hakinta askaraynta caruurta


Dawlada KMG ee Soomaaliya ayaa saxiixday heshiis lagu hakinayo caruurta yar yare ee aan qaan gaarka aheyn.

Hishiiskaa oo uu dawlada KMG u saxiixay wasiirka gaashaandhiga Xuseen Carab Ciise waxaa uu dhigayaa in guud ahaanba Soomaaliya laga joojiyo caruurta loo adeegsado dagaalada ee la askareeyo iyo in ciidamada laga saaro caruurta yar yar.

Hishiiskaan oo ka dhacay magaalada Roma oo uu ka dhacay shirka kooxda xiriirka caalamiga ah ayaa waxaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa wakiilka Q,M u xil saartay arrimaha Soomaaaliya danjire Augustine Mahiga o hishiiska wax ka saxiixay.

"Hishiiskaan waxaa uu qeyb ka yahay dadaalada lagu xoojinayo dawlada Soomaaliya iyo dhawrista xaquuqda caruurta ee dagaalada loo adeegsado" ayuu yiri Augustine Mahiga.

Mahiga waxaa uu xuisay in hishiiskaan lagu jojinayo caruurta la askareeyo uu yahay baaq caalami ah oo Q,M aqoonsan tahay waxaana uu inta aku daray in dawlada looga baahan yahay inay dhaqan galiso hishiiska ay saxiixday.

Wakiilka Q,M u qaabilsan arrimaha kormeerida caruurta dagaalada loo adeegsado haweeneyda la yiraahdo Radhika Coomaraswamy ayaa tilaabo wanaagsan ku tilmaantay hishiiska ay dawlada Soomaaliya saxiixday.

Soomaaliya waxay safka hore uga jirtaa liista wadamada caruurta dagaalada loo adeegsado tan iyo sanadkii 2007.

Dawlada Soomaaliya iyo Xarakadda Al-Shabab ayaa labadaba waxaa lagu eedeeyaa inay caruurta yar yar u adeegsadaan dagaalada u dhaxeeya.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)