Somali News
    Hees  

Duubabka Dhaqanka Soomaaliyeed oo ka cabanaya Faragalin ay sheegeen in DKMG ku hayso shirka uga socda Muqdisho

Mogadishu Arbaco 4 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Duubabka Dhaqanka Soomaaliyeed oo ka cabanaya Faragalin ay sheegeen in DKMG ku hayso shirka uga socda Muqdisho

Duubabka dhaqanka Soomaaliyeeed oo ay dowlada DMG u igmaday soo xulida ergada ansixinaysa dastuurka cusub ayaa sheegay in DKMG ay fara-gelin ku hayso shirkooda, iyagoo xusay inaysan u madax-bannaaneyn howlahooda
laga sugayo.

Odayaashu waxay dalbadeen in maalmo loogu daro xilliga laga sugayo inay soo gudbiyaan 825-xubnood ee ansixinaya dastuurka isla markaana soo xulaya baarlamaanka cusub, iyagoo sheegay inay soo gudbiyaana inta aan la gaarin bishan Luulyo 10-keeda.

Oday dhaqameedyadu waxaa ay sheegen inay u baahan yihiin furasad dheeri ah si ay u akhriyaan dastuurka una soo gudbiyaan ergadii loog baahnaa, isagoo ku daray hadalkiisa inaanay ka imaan doonin wax dhibaato u keenaya shacabka Soomaaliyeed.

"Madaxda DKMG ah waxay noo sheegeen markii uu shirku billaabanayay in faraha naloo geliyay masiirkii ummadda iyo dalka Soomaaliya, waxayna sheegeen inaanan go'aan ku lahayn talada dalka labadaasuna ma ahan
kuwo is-qaban kara," ayuu yiri oday-dhaqmeedka hadlay.

Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha DKMG ah, C/wahaab Ugaas Khaliif oo isna ka hadlay goobta ay ku shirayaan Oday dhaqameedyada Somaliya ayaa sheegay in odayaasha dhaqanku ay yihiin kuwii wax ka ansixin lahaa dastuurka, wuxuuna sheegay in dowladdu ay san doonayn inay wax aan dani ugu jirin dalka iyo dadka ay shirkan kasoo baxaan.

Odayaasha Shirka ka qeybgalayaa ayaa toddobaad ka hor soo jeediyay in xildhibaanada cusub ee baarlamaanka la kordhiyo lagana dhigo tiradooda 275-xubnood, inkastoo DKMG ah ay arrintaas gaashaanka ku dhufatay.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)