Somali News
    Hees  

Wadamada Deeqda bixiya oo dalbaday in Dastuurka Cusub ee Soomaaliya laga dhigo mid Dhowraya Xorriyadda dhinaca diimaha

Mogadishu Arbaco 4 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Wadamada Deeqda bixiya oo dalbaday in Dastuurka Cusub ee Soomaaliya laga dhigo mid Dhowraya Xorriyadda dhinaca diimaha

Wadamada Kaalmada siiya Somaliya ee ka qaybgalay shirkii lagu soo gabagabeyay Magaalada Rome ee Dalka Talyaaniga logana hadlayay arrimaha Soomaaliya ayaa dalbaday in dastuurka cusub ee Soomaaliya uu noqdo mid dhowraya xorriyadda diimaha.

Shirkaas oo ahaa mid looga hadlayay sidii gargaarka caalamka bixiyo lagu gaarsiin lahaa goobaha ay ciidamada dowladda iyo kuwa caawinaha ka saareen Malayshaadka Al-shabaab dhowrkii bilood ee la soo dhaafay.

Wasiirka arrimaha dibadda Taliyaaniga, Giulio Terzi oo dalkiisu uu mari geliyay shirkan ayaa yiri "Waxaa waajib nagu ah in sharciyada iyo xorriyadda diimuhu ee dastuurka cusub ay noqdaan kuwo loo siman yahay.

Shirka lagu soo gabagabeeyay Magaalada Roma ayaa waxaa ka qaybgalay Wakiilo ka kala socday 28 dal iyo wakiillada haya'daha caalamiga ah oo uu ku jiray ergayga gaarka ah ee xogyaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Sopomaaliya, Ambasdor Augustine Mahiga.

Warqadihii siyaasadda ka hadlayay oo loo qaybiyay xubnaha shirka ka qaybgalyay ayaa lagu sheegay in xilliga KMG ah oo laga baxo lana helo dowlad rasmi ah ay tahay mid aad u dhib badan in xilligii loogu talogalay lagu fuliyo.

Danjire Mahiiga ayaa isna dhankiisa ka hadlay Shirka "Howlo badan oo ka mid ah khariidadda nabadda ama Roadmap-ka ayaan weli la qaban," ayaa lagu yiri qoraalkaas. Iyadoo madaxda dowladdu ay sheegayaan inay ku dhameyn doonaan xilliga KMG ah muddada loogu talogalay oo ah 20-ka Ogoosto ee sannadkan.

"Xaaladda Soomaaliya waxay maraysaa meel khatar ah... haddii aan gabagabeyno xilliga KMG ah, waxaan rajeynayaa in shacabka Soomaaliyeed ay geli doonaan xaalad cusub." Sidaas waxaa yir Afhayeenka Barlamanka Somaliya Shariif Xasan Sheikh Adam.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali ayaa isaguna yiri: "Waxaan diyaarinaynaa aasaaska Soomaaliya cusub. Qaranka Soomaaliyeed wuxuu 20-ka Ogoosto kaddib u dabbaad-degi doonaa xilli cusub."

Odayaasha dhaqanka ee Muqdisho ku shirsan ayaa laga sugayaa inay soo xulaan ergooyinkii ansixin lahaa dastuurka cusub soona xuli lahaa xildhibaanno tiradoodu tahay 225-mudane si ay u bedelaan kuwa hadda shaqeynaya.

Dastuurka cusub oo qaybyo-qoraalka ah ayay madaxda Soomaalidu waxay iskula garteen bishii lasoo dhaafay shir ay ku yeesheen magaalada Nairobi, iyadoo loo gudbiyay odayaasha dhaqanka si ay uga soo talo-bixiyaan.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)