Somali News
    Hees  

Safiirka Somalia Ee K/Afrika Oo La Kulmay Jaaliyadda Digil & Mirifle (Sawiro)

Arbaco 4 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Safiirka Somalia Ee K/Afrika Oo La Kulmay Jaaliyadda Digil & Mirifle (Sawiro)

Safirka cusub ee dowlada soomaliya ay u soo magacowday K/africa oo safarkiisii ugu horeeyey ku jooga dalka k/africa, ayaa kulamo gooni gooni ah la qaatay jaaliyadda soomalida ee ku sugan gobolada dalkani K/africa.

Safirka ayaa kulankiisa ugu horeye la qatay jaaliyada digil iyo mirifle oo si weyn u soo dhoweysay safirka iyo safaaradda cusub ee soomalidu ay ku yelatay K/africa iyagoo mahad gaar ah u jeediyey madaxda Dowlada Somalia oo ay sheegeen inay ku dhaqaaqeen arrin si weyn ay ugu baahnaayeen Soomaalida qurbo jooga ku ah gudaha K/africa .

Gudomiyaha digil iyo mirifle ee Koonfur Afrika, Jeele cali nuur oo goobta ka hadlay ayaa safirka sharaxad buxda ka siiyey sida ay ugu baahan yihiin safaradda cusub ayna u soo dhoweynayaan beesha digil iyo mirifle gacan xoganna ay ka qadanayaan dhismaha safarad cusub ee soomalida.

Sayid shariif oo ah safiirka cusub ee dowda soomaliya ay u soo magacowday K/africa ayaa isna hadal dheer ka jeediyey goobta isagona mahad gaar ah u jeediyey jaliyada digil iyo mirifle sida weyn ee ay u soo dhoweyeen safaradoda ay hortiisa uga cadeyeen inay gacan weyn ka qaadan donaan dhismaha safarada cusub ee Somalia ay ku yeelanayso k/africa.

Safiirka oo la hadlayey jaliyada ayaa shegay in safarada ay ka madax banaan tahay waxa la yiraahdo 4.5 ay si cadalad ah ugu adeegi doonto shacabka Soomaaliyeed ee sida weyn ugu oman inay yeshaan xafiis safaradeed ka difaaca dhibatoyinka sida gaarka loola eegto Soomaalida

Safiirka ayaa la filayaa inuu safaro ku maro gobolada dalka uuna kulamo la qaadan doono jaaliyadaha soomaliyeed ee dagan goboladaasi.

Sayid shariif oo ah safiirka cusub ee Soomaaliya ee K/Afrika, ayaan weli wax kulan ah la qadan madaxda Dowlada K/africa, xilli ay Dowladaha Somalia iyo K/Afrika ay dhawaan kala saxiixdeen hesiish qeexaya inay safaarado is dhaafsadaan markii ugu horeysay taariikhda.



Weriye SHAFAT YARE
EMAIL SHAFATYARE10@HOTMAIL.COM
TEL +27833114027
Johannesburg
FG : Soo Gudbinta warkan waxaa iska kaashaday Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee K/Afrika (SOJASA)
Info@Sojasa.com

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)