|
Midowga yurub oo tababaraya gar soorayaal Somalia ah oo burcad badeedda maxkamadeeya
Mogadishu Arbaco 4 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Midowga yurub oo tababaraya gar soorayaal Somalia ah oo burcad badeedda maxkamadeeya.
Wakiilka Wasaarada arimaha Dibadda France iyo Midowga Eurube u qaabilsan Burcad Badeeda Jocelyne Caballero ayaa sheegay in Garsoorayaal Soomaali ah oo tiradoodu gaareeyso 31qofood Imaaraatka Carabta lagu siinayo tababaro kusaabsan Maxkamadeynta Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida
Jocelyne Caballero ayaa sheegay in Shirkii dhawaan ka dhacay Imaaraatka Carabta lagu Go’aamiyay in la dhiso Tayada Ciidamada Badda Soomaalia iyo in la sameeyo Garsoorayaal Soomaali ah oo qaadi kara Dacwadaha Burcad Badeeda si looga maarmo in lagu Maxkamadeeyo dalka Dibadiisa
Sidookale Afhayeenka Wasaarada arimaha Dibadda Imaaraatka Carabta waxa uu tilmaamay hadafka tababarkan inuu yahay taageerada Dowladda Kmg ah laga siinayo Soo afjarida Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalia.
Intii Soomaalia ay Dowlad la’aanta ka jirtay waa markii ugu horeysay ee Soomaalia loo tababarayo Garsooral si ay awood ugu yeeshaan Maxkaamadeynta Burcad Badeeda Soomaalia
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|