|
Maraykanka oo dowladda Burundi ku amaanay Kaalintii ay ka qaadatay in la wiiqo awoodda Al-Shabaab
Mogadishu Arbaco 4 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Maraykanka oo dowladda Burundi ku amaanay Kaalintii ay ka qaadatay in la wiiqo awoodda Al-Shabaab.
Xogayaha arimaha dibadda dalka Maraykanka Hillary Clinton oo hambalyo ku aadan 50 sano guuradii ka soo wareegatay markii Brundi ay xurnimo heshay u dirtay mas’uuliyiinta dowladda Brundi ayaa dowladda Brundi ku amaantay kaalintii ay ka qaateen howlgalka AMISOM ee ka socda gudaha dalka Somalia .
Hillary Clinton ayaa sheegtay in ciidamada dowladda Bruindi ay yihiin kuwo naftooda u huray sidii umadda soomaaliyeed ay u heli lahaayeen nabad islamarkaana ay kaga bixi lahaayeen dhibaatada ay ku jiraan mudada 21ka sano ka badan
Mrs Clinton ayaa sheegtay in la wiiqo awoodda al Shabab ay mahadda ugu ballaaran ay yeelanayaan ciidamada Brundi oo askar badan ku waayay dagaallo ay la galeen xarakada al Shabab.
"Dowladda Brundia iyo shacabkeeda waxa ay soomaali badan ay ka caawiyeen in degenaasho ay ku noolaadaan oo deegaanada ay degan yihiin ay ka xureeyaan Al Shabab"ayay tiri Hillary Clinton iyadoo warkeeda intaa ku dartay in dowladda maraykanka mar waliba ay garab taagan tahay dowladda Brundi oo ay ka caawinayso dhinacyada dhaqaalaha iyo militriga.
Sidoo kale dowladaha Kenya iyo Uganda ayaa burundi ku amaanay kaalintii ay ka qaadatay in Al Shabab laga saaro deegaano badan oo ku yaala dalka Somalia kuwaas oo Al shababku ay ka talinayeen.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|