|
Madaxweyne Jerry Rawlings oo cambaareyay sunta lagu daadinayo xeebaha Somaliya
Mogadishu Arbaco 4 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Madaxweyne Jerry Rawlings oo cambaareyay sunta lagu daadinayo xeebaha Somaliya
Madaxweynahii Hore ee Chana Jerry John Rawlings ayaa cambareen
dusha uga tuuray kaluumeysida sharci darada iyo sunta lagu daadiyo
xeebaha Somaliya taas oo waxyeelo gaarsiinaya bani,adamka iyo ugxaanta
Kalluunka.
Waxaa uu beesha caalamka ugu baaqay in wax laga qabto lana saaro
culeys sidii masuuliyadaas loo qaadi lahaa si kuwa aan u hogaan samin
cadaalada loola tiigsan laha gaar ahaan maxkamada Hague.
Qoraalkan ayaa ka soo baxay xafiiska Accra uu ku leeyahay
Madaxweynahii hore Jerry Rawlings iyadoo nuqul ka mid ah qoraalkaas la
soo gaadhsiiyay maanta oo Arbaco ah wakaalada wararka u qaabilsan
Chana waxaana hadalkan uu ka jeediyay kulan loga hadlayay
burcadbadeeda abaabulan kulankaas oo ay soo qabanqaabisay dowlada
isutaga Imaaraadka Carabta.
Madaxweynahii hore Mr: Rawlings,oo xiligan ah wakiilka sare ee midowga
Africa u qaabilsan Somaliya oo furitaanka shirka hadal ka jeediyay
ayaa ka warbixiyay xaalada Somaliya ee dhinaca bani,adamnimada iyo
kaabayaasha dhaqaalaha xiligan iyo sida ula kaca ah ee logu xadgubayo
xeebaha Somaliya
Waxaa uu yir, “ waa mid aan la aqbali karin sharaf dhacna ah in
haraadiga warshada lagu daadiyo xeebta ugu dheer ee Somaliya .waa in
dagaal lagu qaadaa burcadbadeeda waxaan aaminsanahay burcada lagula
dagaalami karo dhulka iyadoo Somalida la kaashanayo.
Waxaa uu ku baaqay in la sameeyo Buundo u qalanta in ay isku xirto
Somaliya iyo Caalamka intiisa kale waxaa jirta naceeb badan oo loo
qaaday askari Maraykanka markii uu dilay qof muwaadin Afgani ah waxa
askarigaas dib logu celiyay wadankiisa halkaaso oo maxkamada lagu
saaray xili kuwa kale ee dambiyada geysta dhaqso cadaalada loo geeyo.
“Afganistaniyiintu waxa ay kordhiyeen in ay cadaw u arkaan sababtoo ah
ma arkaan in ay cadaalad tahay ficilka ceynkaas ah” ayuu intaas
raaciyay .
Waxaa uu sidoo kale bogaadiyay dowlada iyo shacabka Turkey
taageeradooda la yaabka leh ee dhinacyada
farsamada,maalgalinta,waxbarashada iyo kaabayaasha dhinaca
caafimaadka.
“Turkey waxa ay u qalantaa in magacaabo sababtoo ah waxaa ay isu
taagtay in Somaliya dhinaca fiican uu caalamka u arko.”
Markii ay xaalada bani,adamnimo ka dhacay Somaliya Sanadkii 2011,
raisalwasaaraha Turkey waxaa uu tagay Somaliya isagoo iska indhatiraya
xaaladii amaan daro ee ka jirtay Somalia xiligaas waxaa uu booqday
wadanka isagoo ay la socdaan wafdi culus oo ay ku jiraan xaaskiisa
caruurtiisa iyo dad maqaam sare ka jooga wadankiisa si uu u
tuso, midnimo.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|