Somali News
    Hees  

Somalia, Ethiopia iyo Eritrea oo ka baaqsadey Cecafa Kagame Club Cup.

Mogadishu Arbaco 4 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Somalia, Ethiopia iyo Eritrea oo ka baaqsadey Cecafa Kagame Club Cup.

 Iyadoo weli garoonka k.cagta ee Jaamacadaha Muqdisho ka socdo
horyaalka heerka koowaad ee dalka lana filayey in naadiga Elman Fc oo koobka difaacaneysa markale ka qeybgasho horyaalada bariga iyo bartamaha qaarada Afrika maadama ay hogaanka u heyso horyaalka oo wareegii koowaad lagu guda jiro ayaan hadana jirin in gebi ahaanba Somalia ka qeyb galeyso tartankaasi.

Xiriirka kubada cagta ee Cecafa ayaa soo saarey magacyada iyo dalalka ay ka socdaan kooxaha ka qeybgalaya Koobkaa oo 11 naadi ah 3 kamida ay Tanzania ka dhisan yihiin,iyagoo weliba kala hogaaminaya 3da Group ee loo qeybiyey.

Koox ka socota Sudanta Cusub ee koofurta Sudan ayaa ka mida kooxaha ka qeybgali doona tartanka oo 14-ka bishan ka bilaaban doona Dar u Salaam isagoo socon doona ilaa 28-ka July.

Sidoo kale majiro wax Kooxo ah oo ka socda dalalka Ethiopia iyo Eritrea oo tartanka Kagame Club Cup 2012 ka qeybgali doona,waxaase lagu casuumey koox ka dhisan DR Congo.

Tartankan ayaa sanad kasta la qabtaa,iyadoo uu maal geliyo Madaxweyne Paul Kagame oo magaciisa lagu xayeysiiyo tartanka, waxaana 3da kooxood ee ugu horeysa kaalimaha ay qeybsadaan $60.000.

Elman Fc ayaa Somalia u meteshay sanadkii hore Tartankan, waxaana ay kala soo guryo noqotey guul daro dhamaan ciyaarihii ay soo yeelatay oo groupka ayey ugu hooseysay, laakiin sidaasi oo ay tahay iyaga ayaa ugu wanaagsan gudaha,xagga diyaargarowga iyo dhaqaale ahaan intaba iyadoo aan la ogeeyn sababta ay uga baaqatey ka qeybgalka sanadkaan.

By zaciimka
Somali sports Writer.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)