|
Tartamo Sports oo Lagu Xusayay 1-da Luuliyo oo lagu qabtay Xaafada Streatham ee London
Arbaco 4 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Waxaa magaalada London gaar ahaan Sout West London lagu qabtay xaflad aan nooceeda horay loogu Qaban Xaafada streatham ee Magaalada london Xaflad lagu weyneenayo Munaasabada Maalinta xornimada Soomaaliyeed ee 1DA Luulyo Xafladaan oo Ey soo qaban qaabiyeen Naadiga Streatham United FC eyna kala Qeyb qaateen dhamaan odayaasha xaafada dhalinyarada bahda sportiga ee ku dhaqan xaafada Streatham Xaflada ayaa waxa ey iskugu jirtay tartamo kala duwan oo lagu kala qabtay garoomada orodka midka kubadda cagta waxaana halkaasi ka dhacay Tartamo kala duwan sida Ciyaarta Kubadda CagtaCayaaraha Fudud EE Orodka 800 IYO Tattan xagga Ukunta afka lagu qaadayo ah hadii aan ku hormaro qaabki ey Ugu kala Guuleesteen Tattamadii kala duwanaa Cayaarta kubadda Cagta Waxaa wada Ciyaaray Kooxda Marti galineesay ee Streatham United FC iyo Koox ku Ciyaareesay SYL waxaana 5 iyo 3 ku badiyay Naadiga streatham United FC dhanka Orodka waxaa kaalmaha hore galay
Kaalinta 1aad Cabdiraxmaan bilaal sheikh
Kaalinta2aad Maslax Maxamed Beenle
Kaalinta aad Cabdi xakiin Cabdulaahi Cali
Xagga ukunta kaalinta 1aad Maslax
Intaas kadib waxaa loo dareersaday madashi ey ka dhaceesay xaflad si heersare ah looga soo shaqeeyay waxaana xafladaasi soo xaadiray dad magac iyo maamuus kuleh bulshada Sportiga Tusaale ahaan Cayaaryahanki Weynaa ee Xulkeena qaranka Soomaaliyeed iyo Kooxdi horseed Maxamed Cismaaciil Ma calinki Xulka qaranka Kubadda Kolayga Gabdhaha Soomaaliyeed EE ka Qeyb galay Tartanki dhawaan lagu qabtay Dalkaasi Qadar Maxamed Shiikh Muuse (Holoqsane) Macalin Joon Bashiir gureey Axmed bile Maxamed Shiikh cabdi (Weli dheere)Aabaliisha Xaaji Malaay iyo Marti sharaf aad u fara badan waxaana halkaasi lagu bixiyay abaal marino kala duwan Sidoo kale Naadiga Streatham United F,C Waxeey casho sharaf Soo dhaweyn iyo mahad celin ah u sameyeen Macalinki Guushi Taariikhiga ahaa gaarsiiyay Xulki Gabdhaha Kubadda Kolayga Soomaaliyeed Gaba gabadi xaflada Ayaa Kooxda Streatham United FC Waxeey mahad celin u Soo jeedisay Guud ahaan Kasoo Qeyb galayaashi Xaflada Si Gaar ah waxeey ugu Mahad celiyeen Macalinka Cayaaraha fudud Kaalinti uu ka cayaaray Tartamadi kala duwanaaMacali Cabdulaahi Xuseen Rafle
Ugu danbeyn gudoomiyaha iyo Macalinka Kooxda Streatham Maxamed Cabdi Gacal iyo Mahad Tagoow waxa ay balan qaadayaan in dhalinyarada xaafada hada iyo wixi ka danbeeyo ey u istaagi doonaan hormarinta Sportiga xaafada Streatham.






Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|