Somali News
    Hees  

Kenya oo qalab ayuga hor tagayso Al-Shabab ku rakibaysa xadka Soomaaliya

Mogadishu Arbaco 4 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Kenya oo qalab ayuga hor tagayso Al-Shabab ku rakibaysa xadka Soomaaliya

Wasaaradda gaashaandhiga wadanka Kenya ayaa sheegtay in qeyboka midah xadka ay leeyihiin wadanka Soomaaliya ay ku xiri doonaan qalab la shaqeeya dayax gacmeedka oo la doonayo in lagu ogaado shaqsiyaadka Shabab ka tirsan ee doonaya inay gudaha u galaan wadankaasi Kenya.

Warkaan oo ay caawa baahiyeen warbaahinta Kenya qalabkaan oo dayax gacmeedka la shaqeeya waxaa loogu talo galay in lagula socdo dhaqdhaqaaqyada ka jira xaduuda iyadoona indho gooni ah loo yeelanayo xubnaha Al-Shabab ka tirsan ee damacsan inay kenya gudaha u galaan xilliyada habeenkii.

Qalabkaan oo ay rakibayaan ciidamada dawlada Kenya ee ku sugan gudaha Soomaaliya waxaa si gaar ah loogu xirayaa Jaziirada Kiiwayo oo dhinaca badda xaduud kala leh Soomaaliya.

Taliye ku xigeenka ciidamada booliska jaziirada Lamu Julius Melly ayaa sheegay in qalabkaan uu ciidamada ka gacan siin doono sugida amaanka dalka sida uu yiri.

Sidoo kale saraakiisha amaanka Kenya waxaa ay sheegeen in ciidamo fara badan oo boolis ah la geeyay dhulka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya si ay uga hor tagaan weeraro Shababku wadankaasi ka geystaan.

Al-Shabab oo Soomaaliya ciidamada Kenya kula dagaalama waxaa ay argagax badan ku abuureen dawlada Kenya kadib
markii ay dhawr weeraro ka geysteen tan iyo markii ay labada dhinac is qoomeen.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)