|
Xaflada 1 Luulyo oo lagu qabtey magaalada Den Helder ee dalka Holland (Daawo sawirada)
Mogadishu Arbaco 4 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Xaflada 1 Luulyo oo lagu qabtey magaalada Den Helder ee dalka Holland (Daawo sawirada)
Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu xusaayo 1-da Luuliyo ee sanadguuradii 52 aad ee maalintii xornimada Soomaaliyeed ayaa waxay dhawaantaan ka dhacday magaalada Den Helder ee dalkaas Holland iyadoona ay xafladaas ka soo qeyb galeen dad weyne aad iyo aad u fara badan oo ka kala yimid magaalooyinka kala duwan ee dalkaas Holland
Xafladaas oo ahayd mid lagu soo bandhigay ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale waxaa goobtaas lagu soo bandhigay bandhig faneed ka turjumaayo wacyiga iyo nolosha dad ka Soomaaliyeed iyadoona sidoo kale ay halkaas hadalo taariiqi ah oo ku saabsan qiimaha ay munaasabadaas u leedahay dadka Soomaaliyeed ay ka soo jeediyeen masuuliyiin ka kala socoto jaaliyadaha kala duwan ee ku kala dhaqan dalkaas Holland gaar ahaan Soomaalida ku nool magaaladaas Den helder iyo nawaaxigeeda.
Ugu dambeyntiina xafladaas oo ku soo gabagaboowday jawi xiiso leh islamatkaana ay si aad iyo aad ah ay ugu riyaaqeen dhamaan dadkii ka soo qeybgalay oo ay sidoo kalena ka mid ahaayeen aajanabiyiin u dhalatey dalkaas Holland oo lagu casuumay munaasabadaas ayaa waxaa run ahaantii qabanqaabadeeda iyo isku dubaridkeeda lahaa Cabdulahi Cisman Hufane, Mustaf Cumar Xirsi, Cabdisalaan Cumar Xuseen, Cabdulahi Qaasin Bare, Fardowsa Cali Dhiif, Khadiiya Cabdirahman Cabdullah ( Jiija), Fartuun Xassan Faarah, Malyuun Dahir, Cali Dheeq (dj) iyo Cismaan Muudeey (waaberi).






Abdirizak M. (Xiireey)
Holland
Abdirizakxiireey@hotmail.com
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|