|
Kooxda Waayaha Cusub Oo Wacdara Ka Dhigay Xafladi 1 Luuliyo (Sawiro)
Mogadishu Arbaco 4 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Kooxda Waayaha Cusub Oo Wacdara Ka Dhigay Xafladi 1 Luuliyo (Sawiro).
Musabada kowada Luuliyo oo ku beegan 52 guurada ka soo wareegtay markii gobalada koofur ka xuroowday gumeestahi talyaaniga isla mar ahantaasina aay midooben waqooyi iyo koonfur ayaa waxaa aay ka dhacday Xafada Islii Magalada Nairobi.
Munsabadani ayaa waxaa soo agaasimay Kooxda wadaniga ah ee waayaha cusub oo uu hurmuudka u yahay Shiine Cabdullahi Shiine Akhiyaar.
Waxaa goobta aay ka dhacaysay xafladaasi ka soo qeeb galay sida la rumaysan yahay dadwaynahi ugu badnaa ebed ee yimaada xaflad ka dhacaysa Magaalada Nairobi.
Waxaa kasoo qeyb galay siyaasiyiin, ganacsato, odayaal, dhalinyaro iyo haween Iyo Ra’iisul wasaarahi hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo.
Fanaaniinta Waayaha Cusub waxay halkaasi ka qaadeen qaar badan oo kamida heesaha loogu jecel yahay ee kooxda waayaha cusub.
Digriyoow, Falis, Lixle iyo Burhaan oo ah fanaaniinta shucladda u sida kooxda islamarkaana loogu jecel yahay dhalinta waayaha cusub ayaa meesha ka qaaday heeso ay shacbigii kullanka kasoo qeyb gallay u wada riyaaqeen, islamarkaana aad u jeclaysteen.
Xafladda oo ku bilaabatay jawi aad u sareeya islamarkaana ay kasoo qeyb galleen dadweyne aad u farabadan ayaa kusoo gabagabawday jawi aad u wanaagsan waxaana dadkii kasoo qeyb galay kamid ahaa qaar kamida fanaaniinta Soomaalida oo uu kamid yahay Fanaanka Cabdi Shire Jaamac (Jooqle0 oo halkaasi ka qaaday heeso kala duwan.




















































By Nuur Ismail Sheikh
Nairobi Kenya
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|