Somali News
    Hees  

Ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM oo saakay Howlgal balaaran ka wada qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir

Mogadishu Khamiis 5 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 



Ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM oo saakay Howlgal balaaran ka wada qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.

Howlgal ay iska kaashanayaan ciidamada Boliska,Nabdsugida iyo AMISOM ayaa waxaa uu iminka ka soconayaan degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa ee gobolka Banaadir.

Howlgalka ka soconaya degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa yaa la tilmaamay inuu yimid ka gadaal markii degmooyinkaasi ay ka dhaceenqaraxyo kuwasoo qaarkood la sheegay in lala eegtay ciidamada AMISOM.

Dhinaca kale Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loogu magac daray Gaashaan-Group, balse mar hore suuqa u galay magaca Alpha Group ayaa iyana saaka howl galo ka wada wadada dheer ee Muqdisho iyo Afgooye, kaasoo ay dad badan ku soo qab qabteen.

Inkastoo howl galka ilaa iyo iminka socda ayaa hadana waxaa jira dad la sheegay in gaadiidka lagala degay, halka deegaanada loo barakacay loogu galay dad hurdayay oo la soo qab qabtay, sida ilo wareedyo noo xaqiijiyeen.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)