Somali News
    Hees  

Dowlada Mareykanka oo Cunoqabateen Ruux oo lagu eedeyay in ay taageero siiyeen Alshabaab

Mogadishu Khamiis 5 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Dowlada Mareykanka oo Cunoqabateen Ruux oo lagu eedeyay in ay taageero siiyeen Alshabaab

The Mareykanka ayaa cunaqabateen dhinaca dhaqaalaha waxaa uu ku soo rogay laba ka tirsan saraakiisha Eritrean iyo afar kale oo dhalasho ahaan ka soo jeeda wadamada geeska Africa kuwaas oo lagu eedeyay taageero dhinaca dhaqaalaha u fidiyeen Kooxda Xagjirka Somaliya ee Alshabaab

   Waaxda lacagta ee dalka Mareykanka ayaa cunaqabteenta saxiixday sida ku xusan amar madaxweyne oo soo baxay sanadkii 2010 kuwaas oo shaqsi ahaan dhaqaale u uruuriyeen sidii loo sii hurin lahaa colaada Somaliya.

    Magacyada dadka Reer Eritreya waxaa ay kala yihiin Colonel Tewolde Negash,oo ah sarkaal dhinaca sirdoonka ah kaa oo lagu sheegay in uu dhaqaale lagu holciyo calaada siiyay al-Shabab, Qofka kalana waa  Colonel Taeme Goitom, kaa oo isna ku caawiyay go,aankii xoog ku muquunia ee ururkii burburay Hizbul Islam, kaa oo ku dhex milmay Ururka Alshabaab sanadkii 2010.

    Dadkan cunaqabateenta la saaray sidoo kale waxaa ka mid ah nin u dhashay wadanka Suudaan oo lagu magacaabo Suhayl Salim Abd-el-Rahman, waxaa isagana lagu eedeyay in uu kooxda ka caawiyay dhinacyada dhaqaalaha iyo safarada dadka ku biiraya marka ay doonayaan in ay Somaliya gudaha u galaan.

Saddexda qof kale waa Muwaadiniin u dhalatay Kenya oo kala ah Aboud Rogo Mohammed, Abubaker Shariff Ahmed and Omar Awadh Omar —waxaa ay bixiyeen dhaaqalaha iyo farsamada dhinaca taageerada ee Alshabaab

Omar waxaa isaga si gaar ah logu eedeyay in uu wax ka maleegay qorshahii isqarxinta ee ka dhacay magaalada Kampala bishii July 2010 werarkaas oo lagu dilay dad tiradooda ay gaareyso ilaa 74 Mareykanku wuxuu sheegay In Ugaanda ay sugeyso sidii cadaalad loo keeni lahaa dadkii ka dambeyay falkaas

Dowlada Mareykanka ayaa Ururka Alshabaab ku dartay Kooxaha Argagixisada 2008 kooxda ayaa isku dayeesay in ay afgambiso dowlada Daciifka oo ay reer Galbeedku taageraan si ay dalkaas dhaca geeska africa ugu soo rogto xukun adag oo shariciga Islaamka ah

Kooxda Alshabaab ayaa maamuli jirtay badi gobalada Koonfureed iyo Bartamaha lakiin waxaa ay lumisay dhul badan 18 kii bilood ee ugu dambeyay ka dib markii weraro dhinacyo badan lagaga soo qaaday..

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)