Somali News
    Hees  

Qaxooti Somali iyo Itoobiyaan isugu jira oo gaaray dalka Yemen

Mogadishu Khamiis 5 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Qaxooti Somali iyo Itoobiyaan isugu jira oo gaaray dalka Yemen.

Sida lagu sheegay Websiteka ay leedahay Wasaarada arimaha gudaha dalka Yemen 260 Qoxooti African ah oo 197 kamid ah ay yihin Muwaadiniin Soomaalia ah iyo 62 qof oo Ethopian ah ayaa waxa ay gaareen Wadankaasi gaarahaanna Xeebaha Magaalada Ticis.

69 Haween ah iyo 7 Caruur ah ayaa ku jiray Tahriibayaashaasi Africanka ah ee tagay Magaalada Ticis oo ka tirsan Yemen iyadoo Wasaarada arimaha gudaha ay sheegtay in dadkaasi aysan qofna Safarkii dhanka Badda uga geeriyoonin.

“Dhamaan Qoxootiga oo tirada ugu badan ay yihiin Soomaali waxa laga xaadirin doonaa Xerada Al-Qaraz oo ah Kaamka la geeyo Soomaalida Tahriibka kusoo gaara Yemen” ayuu yiri Kaaliyaha dhinaca Warfaafinta u qaabilsan Hay’ada Qoxootiga UNHCR Zaid Al-Alaya.

Hay’ada UNHCR ayaa ku dhawaaqday inay u taag la’dahay Qoxootiga soomaaliyeed ee dalkaasi ku sugan balse dadka Soomaalida ayaa had iyo jeer u Tahriiba dalka Yemen oo marka ay tagaan la geeyo Xeryo Qoxooti oo aan uga wanaagsaneen Soomaalia oo ay ka carareen.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)