Somali News
    Hees  

Bahda Suxufiyiinta Soomaaliyeed Ee K/Afrika (SOJASA), Oo Si Murugo Leh Uga Tacsiyeynaya Geerida Ku Timi Rugcadaagii Saxaafadeed Ee C/qaadir Jiiroow Sharma'arke

 

Khamiis 5 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Bahda Suxufiyiinta Soomaaliyeed Ee K/Afrika (SOJASA), Oo Si Murugo Leh Uga Tacsiyeynaya Geerida Ku Timi Rugcadaagii Saxaafadeed Ee C/qaadir Jiiroow Sharma'arke

Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed Ee Koonfur Afrika (SOJASA), ayaa tacsi tiiraanyo leh u diraya dhammaan bahda saxaafadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan iyagoo uga tacsiyeynaya geeridii naxdinta laheyd ee saaka oo Khamiis ah (5-07-2012) ku timid ALLAHA u naxariistee Rug-cadaagii Saxaafadeed ee caanka ahaa C/qaadir Jiiroow Sharma'arke.

"INAA LILAAH WA INAA ILAYHI RAAJICUUN, waxaa saakay oo ay taariikhdu ku beegan tahay 5-ta bisha Luulyo 2012, Saxaafadda Soomaaliyeed ka baxay Tiir udub dhexaad u ahaa Warbaahinta wadankeena hooyo ee Somalia, aad iyo aad ayaan uga naxnay geerida macalinkeena cilmiga warbaahinta u saaxiibka ahaa" ayaa lagu yiri War-saxaafadeed Tacsi ah oo kasoo baxay Xafiiska Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee K/Afrika (SOJASA) ku leeyihiin Magaalada Cape Town.

EEBE Naxariistii janno haka waraabiyee, C/qadir Jiiroow Sharmaake, oo ahaa Agaasimihii Ugu Dambeeyey ee Idaacadda Horn Afrik ka dib dilkii ALLAHA u naxariistee Saciid Tahliil Axmed, islamarkaana kasoo shaqeeyay Radio Muqdisho xilligii bari-samaadka, waqti xaadirkanna ka tirsanaa idaacada Mustaqbalradio, ayaa saakay ku geeriyooday Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Somalia.

Sida ay qaar ka mid ah eheladiisa inoo xaqiijiyeen Ustaad C/qadir Jiirow Sharma'arke, ayaa waxa haleelay xanuun dag dag ah oo 2 cisho un uu la xanuunsanayay kaas oo uu ugu danbayn u dhintay, waxaana uu ifka uga tagay 9 caruur ah, iyadoo qaban qaabada aaskiisa oo ay horboodayaan Bahda saxaafadu iminka laga wado magaalada Muqdisho.

Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed Ee Koonfur Afrika ee ku midaysan Dalad-saxaafadeedka SOJASA, waxa ay tacsi u dirayaan dhammaan Bahda Saxaafadda ee uu ka geeriyooday rug-cadaagii weynaa ee saxaafadda ku gaamuray marxuum C/qaadir Jiiroow Sharma'arke. waxayna si gaar ah ugu tacsiyeynayaan eheladii iyo asxaabtii Ustaadka, waxayna ALLE uga baryayaan in uu Janatul-firdowsa ka warabiyo anaga samir iyo iimaan naga siiyo........ AAMIIN AAMIIN AAMIIN

INNAA LILLAAH WA INAA ILAYHI RAAJICUUN

Xafiiska Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed Ee Koonfur Afrika (SOJASA)

 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)