Somali News
    Hees  

Ciyaariyahankii Hore ee Kooxdii MPC Macoow & Kooxdiisa Dhalinyarada Banaadir Idott Klubb. "Warbixin + Sawiro"

Khamiis 5 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Ciyaariyahankii Hore ee Kooxdii MPC Macoow & Kooxdiisa Dhalinyarada Banaadir Idott Klubb. "Warbixin + Sawiro"

Mar aan Booqday Magaalada Katrinholm ayaa waxaan ku soo arkay wax aad loogu farxo taas oo ah Koox Dhalinyaro aad u da' yar oo 12 jir ah oo lagu Magacaabo Banaadir Idott Klubb oo uu Macalin u ahaa Ciyaariyahankii Hore ee Kooxda MPC ama Matbacada Qaranka Macoow Hussein Hassan.

Xiligii aan Booqashada ku joognay Magaaladaasi ayaa waxaan booqday Garoonka Kooxdaasi ay ku ciyaarto waa Kooxda Banaadir Idott Klubb waxaana maalinkaasi ay la balan sanaayeen Koox marti u aheyd oo ka timid Magaalo kale oo la yiraahdo Ludvika waxaana Macalin u ahaa Ciyaariyahan caan ahaa oo dadku aad u yaqaanaan Macalin Siid Ali "Siidka"

Labada Kooxd ee dhalinyarada wada ciyaarayay ayaa da'doodu ka hooseeysay 12 jir.

Ciyaar aad u xiiso badan oo ay labadu koox soo bandhigeyn ayaa waxaa guusha ay raacday  Kooxda Banaadir Idott Klubb oo 4 iyo 3 uga badiyeen Kooxdii ka socotay Magaalada Ludvika.

Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Katrinholm oo an wax ka weydiiyay Kooxdaan Dhalinyarada ah ee uu macalinka u Yahay Macoow Hussein Hassan ayaa waxeey inoo sheegeeyn in ay tahay wax lagu farxo ayagoo tilmaamay in Macoow uu soo jiitay indhaha waalidiinta Ciyaalka uu Macalinka u yahay asagoo ka mashquulinaya wax yaabo xun inta ay baran la haayeen ayeey u sheegeeyn Shabakada Balcad.com

Si Kastaba ha ahaatee waa wax wanaagsan oo horumar u leh Bulshada Soomaaliyeed Howsha ay Wadaan Macoow iyo Team-kiisa waxaana u rajeyneynaa horumar baaxad weyn leh.

Waxii faah faahin ah kala xiriir Webka Kooxda ay lee dahay oo aad ka heleeyso Warbixin iyo faah faahin dheeri ah oo ku saabsan Kooxda Banaadir Idott Klubb.

www.banadiridrottklubb.com





Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)