Somali News
    Hees  

Faallo: Magaalo Soomaali kubadan tahay oo aan laga jecleyn maalinta Calanka Soomaaliya ee koowda Luulyo

Mogadishu Khamiis 5 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Magaalo Soomaali kubadan tahay oo aan laga jecleyn maalinta Calanka Soomaaliya ee koowda Luulyo

Maalin qiiro xambaarsan, lagana ciido meel kastoo aduunka ah oo ay Soomaali ku badan tahay ayaa misana waxaa magaalada Borlänge laga aqoon in calanka Soomaaliyeed kor looga taago waana magaalo ay dadkooda ka qiimeyn calanka buluuga ah ee shanta xidig dhexda kaga taalo waana masiibo usoo hoyatay sedex kun Soomaali ah oo degan magaalada Borlänge.

Ma is weydiin lahayd in jaaliyad Soomaaliyeed oo ku abtirsato geeska Afrika inaan laga aqoon maalinta qiimaha xambaarsan ee koowda Luulyo oo ah maalintii xornimada buuxda heshay dalkeena Soomaaliya.

Magaalada aan ku noolahay ee Borlänge waxaa ka jira ilaa 100 ururo Soomaaliyeed, waxaana degan siyaasiyiin dalkeena Soomaaliya shaqooyin muhiim ah kasoo qabtay, sidoo kale waxaa kunool aqoonyahano shahaadooyin kala duwan kasoo qalin jabiyey dalka Soomaaliya.

Waxaa marag ma doonta ah inaay awood buuxda u leeyihiin inaay samayn karaan wax alaale wixii caruurta Soomaaliyeed farxad galin kara, nasiib daro taasi badalkeeda waxaa hubaal ah in dhalinta yar yar aysanba war ka hayn inaay Soomaali yihiin waxayna isu haystaan inaay Swedish yihiin.

Markaan kusoo laabto ururrada kala duwan ee ka jira magaalada Borlänge ma jirto cid isku hawsha maalinta qiimaha badan xambaarsan waxayna ku mashquulsan yihiin sidii ay u cirib tiri lahaayeen cadoowgooda.

Waxaan hubaa inaad isweeydiinayso toloow cadawga uu sheegayo qorahaan xagee joogaa? Dabcan waxaan umalaynayaa waxaad raadinaysaa Al-shabaab, Dowlada, iyo Waliba Ethiopianka.

Meesha aad ka eegaysaan ma jirto cadawga ay leeyihiin waa Urur mucaarad ku ah ururro kale, waxay ku farxaan jab kastoo soo gaara walaalahood ay isku magaalada degan yihiin, waxaana dhowr jeer u kuur galay sababta ay isu neceb yihiin ururada kale ee aan iyaga taageerin waxaana isoo baxday in laga siman yahay inaan waxba la qabsan.

Hadii uu urur sameeyo wax wanaagsan waxaa laga sheegayaa ceeb aan meesha oolin, sidoo kale hadii xaflad maalin qiimo badan sida maalmahan ciidaha hadii halkaasi laga daaro heesta CIID WANAAGSAN, waxaa indhahaygu qabteen iyadoo laga dareerayo xafladii qiimaha badnayd waxaana loo aqoonsanayaa in diinta laga baxay, sidoo kale hadii heesta calanka la qaado waxaa hubaal ah in lala dagaalamayo cidii daartay heestaasi.

Waxaan aad ugu xumahay in 1- Luulyo aan waligeed laga ciidin mudo afar sanno ah oo aan deganahay marka laga reebo anagoo sedex wariye ah oo xaflad yar inta aan soo abaabulnay samaynay laakin maxaa naga raacay?

Waxaan go'aansanay inaan mar danbe qaban wixii aan kala kulanay markaasi, waxaan ugu wacnayd inaan magaalada ku cusbeyn, magaaladan waxaan soo degay 30-kii Juun 2009-kii, ilaa iyo hada ma jirin isku duubni in la xuso maalinta qiimaha badan xambaarsan.

U fiirso magaalo kastoo Soomaali degan tahay waxaa ka jira is xusuusin in Soomaali la yahay laakin dad baa isaga taga oo aada meelaha ay Soomaalida ku badan yihiin oo laga xuso maalinta xornimada Soomaaliya, waxaa kasii daran magaalada waxaa ka guuray wariyeyaal ay Soomaalinimada ku weyn tahay markaay arkeen is neceybka dhexyaala walaalaha Soomaaliyeed dhexdeeda iyo waliba sida la iskula weyn yahay inan heshiis la doonayn.

Hadii aad istiraahdo kuwa dagaalsan dhexgal-na waxaaba kusoo baxaysa in wax la isku haystaa aan jirin, mararka qaar waxaad arkaysaa qolo ka talinaysa aayaha caruurta ama haweenka degan magaaladan, kuwa kale ataa arbushaya si aaysan ugu guuleysan in wanaag la sameeyo.

Sawirka kor kaaga muuqda waxay ku tusinaysa maalmo farxad leh iyo dadka sidaay diyaarka ugu yihiin in ay muhiim tahay in la isu yimaado maxaase u diiday in loo qabto maalinta xornimada? Maxaa u diiday in caruurta loo diyaariyo meelo ay ku ciyaaraan dadka waaweyna la xusuusiyo sida xornimada loo helay? Dhamaan jawaabahaasi waxaan ka sugaynaa Siyaasiyiinta, madaxda Ururrada kala duwan ee magaalada ka jira, Dhalinyarada, Haweenka iyo inta ay wadaniyada ku jirto ee degan magaalada Borlänge ee dalka Sweden.

Isku soo wada duub waxaan aad ugu xumahay in magaaladan caruurta ku nool ay ku socdaan in laga dhigayo dad aan dal lahayn, waxaana ugu baaqayaa ururrada ka jira inaay isu dabcaan una istaagaan inaay ku midoobaan maalmaha xurmada leh ee ay leeyihiin muslimiinta iyo gaar ahaan maalmaha Soomaalida gaarka u ah in aan la iloobin hadii kale ay noqon doonto meel laga kala guuro.



Waxaa qoray Maxamed Cabdulle Xasan "Siidi"

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)