Somali News
    Hees  

Kenya oo u qabqabatay qaraxyadii Gaarisa dad gaaraya 30-ruux

Mogadishu Khamiis 5 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Kenya oo u qabqabatay qaraxyadii Gaarisa dad gaaraya 30-ruux

Ilaa 30-ruux oo lagu tuhunsanyahay inay ka danbeeyeen qaraxyadii labada ahaa ee dhawaan ka dhacay magaalada garisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Dadkaan ay ciidamada qabteen ayaa lagu eedeynayaa inay ka danbeeyeen qaraxyadii labada ahaa ee lala beegsaday Kaniisadihii ku yiilay magaalada Garisa ee gobolka waqooyi Bari Kenya, kuwaasoo ay ku dhinteen ku dhawaan 20-ruux,ayna ku dhaawacmeen ku dhawaad 50-kale.

Philip Ndolo oo ah Sarkaal ka tirsan Booliska Kenya kana howlgala gobolka Waqooyi-bari ayaa xaqiijiyay in 20 qof oo ka tirsan dadkaas la lagu hayo xabsiga.

Sarkaalka ayaa tilmaamay in la sii daayay qaar ka mid ah dadkaasi la soo qabqabtay kaddib markii su’aalo la weydiiyay,laguna waayay wax caddeymo ah.

Philip Ndolo ayaa xusay in dadka la soo xirxiry ay isugu jiraan Kenyaan iyo ajaaniib, walow ay u badanyihiin Soomaali.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)