|
Siyaaradii caalimka weynaay al waliyul mucadam Sheekh Maxamed Bin Faqih
Mogadishu Khamiis 5 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Siyaaradii caalimka weynaay al waliyul mucadam sheekh maxamed bin faqih abuubakar al sheekhul faadil al qudhbul kaamil al mulaqab (sheekh faqay aboor) oo shalay taariikhdu ahayd 4.7.2012 bisha shacbaan ahayd 15.8.1433 lasoo gabagabeeyey
Waxaa maanta daafaha caalamka lagu qatimay siyaaradii caalimka islaamka soomaaliyeed sheekh maxamed bin faqih abuubakar ku magac dheeraa (sh faqay aboor)
dalalka soomaaliya kenya talyaaniga ingiriiska sweden ameerika holanda sacuudiga iyo yemen iyo wadamo dhowr ah aya waxaa ka dhacay ixtifaalooyin aad u waaweyn oo lagu qadarinaayo xuska sheekheena sheekh faqay aboor iyadoo midka ugu balaarnaa ee uuka dhacay xarunta sheekha ee magaalada muqdisho.
Xarun diimeedka sheekha ee magaalada muqdisho ayaa waxaa maanta lagu soo gabagabeeyey iyaddoo dhamaan ahlu dariiqa ay ka soo qayb galeen iyadoo meesha laga qaaday qasiidadii sheekh faqay aboor dariiqada rufaaciya ayaa si weyn u soo camirtay
Banaanka hore ee sheekha iyadoo ay ka muuqato qiirooyinka ka tarjumaaya xadaarada hogaanka culumada reer faqay ixtifaalka loo sameeyo sanadkii mar ayaa waxa uu ka midka yahay ixtifaalada ee ugu waaweyn ee ka dhaca caalamka islaamka
Ugu dambeyntii waxaa meesha duca ku so qatimay sheekh cabduraxmaan xaaji axmed balfaghi oo ah guddoomiyaha dariiqada rufaaciya kana soo jeeda culumaudiinka reer faqay
isagoo sheegay in magaalada muqdisho ay tahay madaxa ummadda soomaaliyeed iyo kan banaadiriga ama reer xamar isagoo uu ku celceliyey in uu ka dhigo magaalo nabadeed bijaahi mustafa sh cabduraxmaan wuxuu ku cel celiyey isagoo alle ugu baryay in uu waxa xun ee dadka dhibaaya in uu alle ka qabto wadanka ka dhigo mid barwaaqo
Towfiiq caam ahna alle nasiiyo waxaa siyaarada goob joog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka majmaca dariiqa suufiya dr.ali omar abati binfaghi naaibka dariiqada sh saalim cumar weli sh caydaruus cumar weli khaliif faqay maxamed faqi yuusuf maxamed abuukar axmed sh muriidi abba sheekh sh cali faqay sh cali xaaji maxamed amiirka tabliiqa sh cabdulqaadir sh abuubakar sh macoow (sheekhul kabiir) iyo duqa culumada reer faqay maxamed bin cali (uunsane)
 
 
 
siyaarada waxay ku soo gaba gabowday jawi degan
wabilaahi towfiiq
w.d dr.ali omar abati binfaghi
gudoomiye ku xigeenka majmaca dariiqa suufiya ahna xoghayaha guud ee dariiqada rufaaciya
email dariiqadarufaaciya@yahoo.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|