|
Kooxda Alshabaab oo Xalay Nin Rayidka ku bireeysay Degmada Ceelbuur
Mogadishu Khamiis 5 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Kooxda Alshabaab oo Xalay Nin Rayidka ku bireeysay Degmada Ceelbuur
ilo xog-ogaal ah oo ku sugan Degmada Ceelbuur ee Gobalka Galgaduud ayaa u xaqiijiyay warbaahinta in xalay kooxda Alshabaab in Macalin Dugsi Quraan ay ku gowraceeen degmadaasi.
Dadka degaanka ayaa sheegay in saake markii uu waagu baryay mar qura ay dadku indhaha ka qaadeen Midkan Ninkan sida foosha xun ay kooxda u dishay
" dadka magaalada ayaa mar kale saake waxaa ay ku arkeen meel fagaare ah meydka Nin da,da dhexe ah oo deegaanka laga yaqaano kaa oo qoorta laga jaray ka dibna la dul saaray dhabarkiisa ka dib markii xabad xabad loo jiifiyay.
Dadka Magaalada Ceelbuur ayaa ka walaacsan noloshooda iyo sida ay ku sii joogi karaa degmadaasi ka dib markii filico waxuushnimo ay ku dhaqaaqday kooxda gabalkeedu sii dhacayo ee Alshabaab.
Shabaabka ayaa laba jibaaray dhibaateynta dadka Shacabka ee Reer Ceelbuur ka dib markii bishii hore ciidamada Ethopa iyo kuwa Ahlu suna ay isaga soo baxeen ka dib mudo 3 bilood oo ay halkaas ku sugnaayeen.
Warar hoose oo la helayo ayaa sheegay in qeybo ka tirsan Gobalka Galgaduud uu ka soconayo abaabul iyo dhaqdhaqaayo ciidan oo lagu doonayo in mar kale dib ay ciidamada Ethopia iyo kuwa Ahlu suna ay ugu laabanayaan Ceelbuur iyo Wabxo.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|