Somali News
    Hees  

Wasiirka arrimaha gudaha oo dalka dib ugu soo laabtay, sheegayna inay Soomaalidu wadahadli karto

Mogadishu Khamiis 5 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Wasiirka arrimaha gudaha oo dalka dib ugu soo laabtay, sheegayna inay Soomaalidu wadahadli karto

Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Dowladda KMG ah C/Samad Macallim Maxamuud ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, isagoo ka warbixiyay wadahadaladii magaalada London ee Dowladda KMG ah iyo maamulka Somaliland iyo safaro kale oo uu ku soo kala bixiyay qaar ka mid wadamada Waqooyiga Yurub.

Md. C/Samad Macallim Maxamuud oo imaatinkiisa kaddib la hadlayay Saxaafadda ayaa sheegay in wadahadaladii laba geesoodka ahaa ee u dhaxeeyay Dowladda KMG ah iyo maamulka Somaliland ay ku dhammaadeen wax uu ku sheegay hannaan guul ah, wuxuuna tilmaamay in wadahadaladaasiay caddeyn u yihiin sida ay Soomaalidu u wadahadli karto, isla markaana ay aayaheeda uga tashan karto.

Mar uu Wasiirku ka hadlayay socdaal uu ku tegay qaar ka mid ah wadamada Waqooyiga Yurub waxa uu sheegay in intii uu joogay wadamadaasi inuu kulamo gooni gooni ah uu kula soo yeeshay qaar ka tirsan madaxda wadamadii uu booqday iyo xubno ka mid ah jaaliyadaha Soomaalida ee ku dhaqan wadamadaasi.

Wasiirka arrimaha gudaha C/Samad Macallim Maxamuud waxa uu shirkaasi jaraa'id kaddib uu kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee shirka uu uga socdo magaalada Muqdisho, kuwaasi oo uu ku gubaabiyay inay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo xulaan ergadii ansixin lahayd dastuurka cusub ee Soomaaliya.

C/Samad Macallim Maxamed ayaa dhowr toddobaad kahor waxa uu magaalada London ee cariga Britain uu uga qeyb galay wadahadaladii Soomaaliya iyo Somaliland, isagoo hoggaaminayay wafdigii Dowladda KMG ah ee wadahadaladaasi ka qeyb galay.



Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)