|
Sheekh Awlibaax oo ka warbixiiyay Shirki Nairobi ugu so dhamaday dhinacyada sameynta ku leh gobolada Jubboyinka
Mogadishu Khamiis 5 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Sheekh Awlibaax oo ka warbixiiyay Shirki Nairobi ugu so dhamaday dhinacyada sameynta ku leh gobolada Jubboyinka.
Gudomiyaha Ahlusunna Waljamaca ee Gobolada Konfureed Sh.Maxmed Maxmuud Yusuf Aw-Libaax oo manta soo garay Magaalada Nairobi ee Xarunta wadanka Kenya ayaa marki ugu horeysay Saxaafada warbixino kooban ka siyay Shirarki uu uga qaybgalay Magaaloyinka Roma iyo Nairobi.
Ugu horey Hogaamiyaha aya waxaa uu ka warbixiyay Shir ka dhacay Magaalada Nairobi oo ay iskugu yimadeen Dhinacyada misaanka ku leh siyaasada Gobolada Jubboyinka oo kala ah Dowlada kmg ah Raskambooni Ahlusunna iyo Azaaniya.
Sh. Maxamed Aw-libaax waxaa uu shegay in shirki Nairobi uu ahaa Shir Muhiim ah bal dahab ahna ka galaya Taarikhda Gobolada Jubbada hoose jubbada dhexe iyo Gedo sidaan wada ognahay goboladaan marna kamaysan dhicin Xasilooni iyo Maamul Wanag tan iyo Marki ay burburtay Dowladi dhexe ee Somali waxaa ka dhacay dagaalo badan oo waxyeeleyay Shacabka goboladaan.
Somalida waxaay tirahda colka waraf malagu dayay marka hada aniga waxaay ilatahay in Jubbaland Nabad lagu dayo natiijadeedana waa posative oo hada ayay no muqata kulanki kowaad waxaa no qamsomay in aanu is fahaano oo hal dhinac u wada jedsano Heshiisna anu wada saxiixano waxaan sido kale iska soo xulnay Gudi Farsamo oo inta badan ayagu howsha wadi doona gudigaas waxaay kulmayaan bishaan 9 keeda waxayna ka kooban yihiin 10 qof oo Aqoonyahano ah laguna kalson yahay in ay howshoda ka soo dhalaalidoonan.
Mar wax laga waydiyay rajada uu ka qabo in Shirarkaan lagu unko Maamul Goboleed Awood leh oo guud ahan gacanta ku dhiga gobolada jubboyinka ayaa waxaa uu ku jawabay Sh.Aw-libaax.
"Ader ugu horeyn gobolkan waxaa ka dhisna ila iyo 6 Maamul Goboleed oo ay ugu cadcadyihiin Azaaniya iyo Jubbaland State Shirkeeni ugu horeyay waxaanu isla garanay Maamul goboleedyadi horey lo dhisay ayadoon lo wada dhamayn in ay meesha ka baxaan Maamulki ugu horeyay ee uu qodobkaasi sameyo waa Maamulki Azaaniya oo hada la kala diray kuwa kale ee dibada joogana wadadaas ayay marayaan lakin hogaanka Maamuladaasi ayago wakiilo ah xaq ayay u leyihiin in ay ka soo qaybgalaan geedisocdaka nabada Jubboyinka oo ay ku soo siyaadiyaan wixi talo iyo tusaale ah ee ay hayaan. markaan u soo gudbo su'aashadi dhinacyada meesha iskugu yimid inta badan waa garabyo ka howlgala gudaha Jubbaland waxaan dhihi kara intaas oo Maamul oo gudaha hada ka shaqaysa iyo Qurba joogtooda hadi ay is kashadaan way dhisi karaan Maamul Goboleed hanta guud ahan gobolada Jubbada hoose Jubbada dhexe iyo Gedo waxaa sido kale kalmo dhaqaale iyo mid ciidanba nala garabtaagan beesha calamka oo ayaduna danaynaysa Maamul hanta Amaanka guud ee goboladan si wadamada dariska ah ay u nabad galaan.
Mar la waydiyay ka Ahlusunna ahaan waxaa uga so qabsomay Shirki ICG da ee ay ugu qaybgaleen Magaaalada Roma ee Wadanka Taliyaaniga ayaa waxaa uu ku jawabay.
" ugu horeyn shirka waxaa lo qabtay guud ahaan Maamulada ka jira Somalia ee la aqonsanyahay iyo Dowlada kmg ah waxana ka soo qaybgalay wadamada daneeya arimaha Somalia.
Shirka waxaa awooda lagu sarayay sidi lo xaqiijin laha Amaanka Somalia iyo sidi loga gudbi laha kmg nimada waxaan sido kale shirka ka marnayd xiliga kala guurka iyo in ay Xukumada hada jirta ay meesha ka baxdo ka hor 20 Agousto dorashana lo dareero" ayu yiri Sh.Aw-libaax oo hadalkiisa sii wada ayaa waxaa uu shegay ahlusunna ahaan in Shirkaasi ay ku soo bandhigeen waxqabadkooda Gobolada ay ka taliyaan iyo sida ay ula dagaalameen Al-Shabaab ayagoon helin taageero calami ah.
Beesha Calamka waxaay garowsatay dadaalada Maamulada Ahlusunna ay ka wadan Gobolada u ka taliyo Maamulka Ahlusunna waxana dhawaan rajaynayna in beesha calamka ay nagu garab galidoonto Howlgalada anu ka wadno deeganada u ka taliyo Maamulka Ahlusunna Waljamaac" ayu yiri awlibaax
Ugu danbeyn Sh.Maxamed Maxamuud Yusuf ayaa waxaa uu baaq u diray guud ahan Shacabka Soamliyeed ee u nasab sheegta Gobolada Jubboyinka iyo Gedo waxana uu ugu baqay in ay is garab tagaan Geedisocodka Nabada Jubboyinka iyo Gedo oo hada meel wanagsan maraya Waxaa la dhisamaya Maamul Wadag ah oo ay dhaman qabaailada ku qanacsan yihiin dadka Aqoonta leh ee Maamulkaas hormuud u noqonayana waa Qurba joogta waxaan marlabaad ugu baqaya in ay yimadaan oo ay ka qayb qataan geedi socodka nabad dalka waa dalkiini marnaba marti kama noqonaysaan ha la soo laabto oo halaga qayb qaato dib u dhiska wadanka ayu yiri Hogaamiyaha Ahlusunnada Gobolada Konfureed Sh.Maxamed Maxamuud Yususf Aw-libaax. oo manta bahda saxafada ugu waramayay Hotelka uu ka dagan yahay Maagalada Nairobi.

-----------------------------
Nuur M. Caynte
Ainte@yahoo.com
Nairobi.Kenya
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|