|
Madaxweynaha Soomaaliya sheekh Shariif oo si diiran loogu soo dhaweeyay dalka Ruwanda
Mogadishu Jimco 6 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Madaxweynaha Soomaaliya sheekh Shariif oo si diiran loogu soo dhaweeyay dalka Ruwanda
Sheekh Sharif Sheek Axmed iyo Madaxweynaha Ruwaanda ayaa yeeshay kulan saacado qaatay, iyadoo labada Madaxweyne ka wadahadlay arrimaha dalka Soomaaliya.
Labada Madaxweyne ayaa kuwada heshiiyay sidii uu iskashi dhan kasta uu ku dhax mari lahaa labada wadan, wuxuuna madxweynaha Soomaaliya salaan sharaf ka qaatay Ciidamada Dalka Ruwanda.
Madaxweyne shariif ayaa shalay waxa uu gaaray dalka Ruwanda isgoona maanta lagu wado in uu lumao la qaato jaaliyada soomaaliyeed ee ku sugan dalka Ruwanda iaydoo jaaliya soomaaliyeed eek u sugan ruwanda ay shalay madaxweynaha ku soo dhaweyeen gagada diyaarada ee dalka Ruwanda.
Safarka madaxweynaha ayaa waxa uu ka mid yahay safaro uu xiliyadii dambe ku marayay dalaka caalamka kuwaasi oo uu kala hadlayay arimaha Soomaaliya iyo sida la isga kashan lahaa sidii nabad lagu soo celin lahaa Soomaaliya.
Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kala hadlay Madaxweynaha Dalkaasi Ruwanda sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen Howlgalka lagula dagaalamayo xarakada Al-Shabaab.










Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|