|
Mwai Kibaki : "Uma dulqaadan karno in cadowga uu cadaadis nagu hayo, waa inaan iska qabanaa "
Mogadishu Jimco 6 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Mwai Kibaki : "Uma dulqaadan karno in cadowga uu cadaadis nagu hayo, waa inaan iska qabanaa "
Madaxweynaha Wadanka Kenya Mwi Kibaki ayaa wacad ku maray in dawladiisa ay cagta marin doonto Xarakadda Al-Shabab oo Soomaaliya ka dagaalanta
Madaxwaynaha dalka Kenya Mwai Kibaki oo ka qeybgalayaya xaflad ka dhacday gobolka nakuuru ee dalka Kenya ayaa wacad ku maray in dowladdiisu ay ka go’antahay ciribtirka kooxo uu ku sheegay in qal qal ay geliyeen amaanka dalkiisa kuwaas oo saldhogoodu yahay dalka Somalia .
Mwai Kibaki ayaa sheegay in dowladda Kenya iyo shacabkeeda marnaba aysan u dulqaadan doonin falal amni darro oo ka dhaca gudaha dalka Kenya.
Waxana uu sheegay inay u diyaar garoobeen ka hortaggga xarakada al Shabab oo uu tibaaxay in weeraro iyo qaraxyo badan oo galaaftay nolasha dad kenyaati ah ay ka geesteen gudaha dalka Kenya.
"Uma dulqaadan karno in cadowga uu cadaadis nagu hayo , waa inaan iska qabanaa " ayuu kibaki ku yiri qudbadii uu ka jeedinayay xafladdii ka dhacday gobolka nakuuru isagoo shacabka Kenya ka codsaday inay la shaqeeyaan ciidamada oo ay soo sheegaan cid waliba oo ay uga shakiyaan inay maleegayaan falala amni darro .
Dhinaca kale booliska Kenya ayaa fashiliyay isku dayay weerar iyo qarayo isugu jira oo lala eegan rabay xaflada Mwai Kibaki uu ka soo qeybgalay , waxana afayeen booliska Kenya u hadlay uu sheegay in raga la qabtay ay ahaayeen kuwo xiriir la leh al Shabab , haatana ay ku xeran yihiin xabsi booliska kenya ay ku leeyihiin gobolka Nakuru .
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|