Somali News
    Hees  

Golaha Sare Culumaa'udiinka Ahlusuna oo cambaareeyay falkii Al-Shabaab ku gowraceen Macalin Dugsi quraan caan ka ahaa Ceelbuur

Mogadishu Jimco 6 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Golaha Sare Culumaa'udiinka Ahlusuna oo cambaareeyay falkii Al-Shabaab ku gowraceen Macalin Dugsi quraan caan ka ahaa Ceelbuur.

Golaha Sare Culumaa'udiinka Ahlusuna ayaa si xoogan u cambaareeyay Macalin Dugsi quraan wax ka dhigayay malcamadaha ku yaal degmada Ceelbuur, oo maleeshiyaadka Al-Shabaab ay gowraceen.

Bayaan ka soo baxay Culumaa'udiinka ayaa lagu sheegay in falkaas uu ahaa mid ka baxsan shareecada islaamka iyo bani'aadanimada, iyo mid waxashnimo, waxaana ay fariin u direen dadka ku nool Ceelbuur inay kacdoon sameeyaan.

Bayaanka ayaa lagu xusay in Diinta Islaamka aanay qabin xoolaha in la tusiyo midida lagu gowracayo, iskaba daa qof bani'aadam ah in midi inta loogu shaleeyo qoorta looga jaro, kaasoo Culimada ku tilmaameen dhaqan laga minguuriyay dalalka shisheeye.

Culimada ayaa sheegay in Sheekh C/salaan Maxamed Barre oo ahaa macalin dugsi quraan uu ahaa nin ka qeyb qaadanayay faafinta diinta Islaamka, iyo sidii caruurta uu u bari lahaa quraanka Kariimka, waxaana ay xuseen in falka Shabaab ku gowraceen uu yahay mid lagu suulinayo fidinta diinta islaamka.

Ugu dambeyn Culumaa'udiinka ayaa Alle uga baryay Sheekha in janadiisa fardowso ka waraabiyo, isla markaana gacantii ka xaqdareyn uu ciqaab adag marsiiyo.


Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)