Somali News
    Hees  

Fannaaniinta Qeyla Dhaan oo booqday xeebta Liido kana qeyb galay damaashaadka Jimcaha + Sawirro

Mogadishu Jimco 6 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Fannaaniinta Qeyla Dhaan oo booqday xeebta Liido kana qeyb galay damaashaadka Jimcaha + Sawirro

Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho waxaa maanta booqday qaar ka mid ah fannaaniinta kooxda Qeyla Dhaan iyo madaxda hay'adda wadahadalka bulshada CCD, iyadoo boqolaal dadweynaha Muqdisho ay fannaaniinta si xamaasad leh ugu soo dhoweeyeen fannaaniinta Jooqle iyo C/Kariin Farayare isla markaana si qiiro leh dadweynuhu aad ugu farxeen inay fannaaniintaasi markii ay arkeen.

Gaarigii ay ku socdeen fannaaniinta iyo madaxda Hay'adda CCD markii uu gaaray xeebta Liido ugu horeyntii waxaa halkaasi ku soo dhoweeyay madax iyo mas'uuliyiin ay ka mid yihiin: Guddoomiyaha degmada Warta Nabadda Deeqo C/qaadir Axmed, Guddoomiyaha Deg. Howlwadaag Jacfar, Guddoomiyaha ururka haweenka G/Banaadir Jawaahir Baarqab, Taliyaha qeybta bartamaha Booliska G/Banaadir iyo dadweyne aad u fara badan oo iyagu u soo damaashaad tegay xeebta Liido.

Madaxda iyo saraakiisha ciidamada Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa fanaaniinta Qeyla Dhaan uga warbixiyay dhinacyada ammaanka ee xeebtaasi, iyagoona sheegay in si weyn loo adkeeyay xeebta Liido iyo nawaaxigeeda si aanay kooxaha fidno wadayaasha ah ugu dhicin inay waxyeellooyin halkaasi ka geystaan.

Taliyaha Qeybta bartamaha ciidamada Booliska ayaa u sheegay fannaaniinta inay si weyn ugu faraxsan yihiin booqashadooda ay maanta ku tageen xeebta Liido, wuxuuna Taliyuhu sheegay in tallaabadani ay ku dhiirigelineyso inay sii laba laabaan ilaalinta nabadgelyada xeebta Liido.

Guddoomiyaha degmada Warta Nabadda Deeqo C/qaadir Axmed ayaa sheegtay iyagoo ku hadleysa afka Guddoomiyeyaasha degmooyinka G/Banaadir inay ku faraxsan yihiin qurba joogta Soomaaliyeed ee dalka dib ugu soo laabaneysa, waxayna tilmaamtay tallaabadani inay astaan u tahay sida magaalada Muqdisho ay dib ugu soo laabaneyso sideedii hore.

Fannaaniinta Jooqle iyo C/ariin Farayare ayaa sheegay in booqashadooda xeebta Liido iyo sida loo soo dhoweeyay iyo waliba farxadda dadweynaha Muqdisho ay ku soo dhoweeyeen ay si weyn uga maqsuudeen, isla markaasina waxay dareenkooda ku cabireen xusuustoodii ugu sareysay inay ka mid tahay.

Dhinaca kale xeebta Liido oo inta badan maalinta Jimcaha ay dadweynaha isugu yimaadaan si ay ugu damaashaadaan isla markaana ugu dabaashaan xeebta, ayaa waxaa sidoo kale dabaaldegii maanta ka soo qeyb galay xubno isugu jira rag iyo haween oo iyana ka yimid qurbaha, waxayna sheegeen iyagoo u waramayay weriyeyaasha inay u soo hiloobeen dalkooda iyo dadkooda.


































Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)