|
Taliska guud ee ciidamada AMISOM oo u baahan ciidamo dheeraad ah oo ay degmada Balcad ku difaacdo
Mogadishu Sabti 7 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Taliska guud ee ciidamada AMISOM oo u baahan ciidamo dheeraad ah oo ay degmada Balcad ku difaacdo
Saraakiisha ciidamada AMISOM ee haatan ku sugan degmada Balcad ayaa sheegay inay u baahan yihiin ciidamo dheeraad ah oo ay ku sugaan amaanka isla markaana ay dhaq dhaqaaqyo uga sameeyaan deegaano kale oo gobolka Sh/dhexe ku yaala.
Colonel Steven Mugerwa oo ah taliyaha ciidamada AMISOM ee degmada Balcad ayaa warbaahinta u sheegay in hadda ay si buuxda u sugeen amaanka magaalada Balcad waxaana uu intaa kudaray inaysan jirin wax amni darro ah oo ka dhaca magaalada tan iyo markii tageen.
Colonel Steven Mugerwawaxaa uutilmaamay inay u baahan yihiin ciidamo dheeraad ah oo lagukordhiyo ciidamadooda Balcad ku sugan si buu yiri ay ugu suurto gasho inay dhaq dhaqaaq kale ka sameeyaan deegaanada kaleee gobolka ka tirsan.
Sarkaalkaan hoogaamiyana ciidamada AMISOM ee Balcad ku sugan waxaa uu tilmaamay inay xilligaan baahi badan u qabaan in lakordhiyo ciidamadiisa si ay uga guulaystaan dagaalyahanada Al-Shabab ee gobolka ku sugan.
"Haddii ay Q,M noo ogolaadaan inaan kordhisano ciidamada waa tilaabo noo fiican waana ka guulaysan karnaa Al-Shabab" ayuu yiri Colonel Steven Mugerwa oo taliya ciidamada AMISOM ee Balcad ku sugan.
Ciidamada AMISOM iyo kuwa dawlada Al-Shabab dhawaan ayay ka saareen degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe waxaana jira dhaq dhaqaaqyo u muuqda inay kusii socdaan deegaano kale oo ka tirsan Sh/dhexe.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|