|
Taliska Ciidamada Nabadsugida Dowladda KMG ah oo shaaca ka qaaday in howlgal ay ciidamada Dowladda KMG ah qaadeen ku qabqabteen Dhalinyaro fara badan oo Shabaabka ka mid ahaa
Mogadishu Sabti 7 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Taliska Ciidamada Nabadsugida Dowladda KMG ah oo shaaca ka qaaday in howlgal ay ciidamada Dowladda KMG ah qaadeen ku qabqabteen Dhalinyaro fara badan oo Shabaabka ka mid ahaa.
Howlgal ciidamada dowlada KMG ah iyo kuwa AMISOM ay ka sameeyeen degmooyinka Yaaqshiid, Kaaraan iyo Huriwaa ayaa lagu soo qabqabtay dhalinyaro la sheegay inay ka tirsanyihiin kooxda Al-shabaab.
Taliyaha Ciidamada Nabadsugida Gobolka Banaadir Qaliif Maxamed Ereg oo ka warbixiyay howlgalka ciidamada ay ka fuliyeen degmooyinkaasi ayaa waxaa uu tilmaamay inay gacanta ay ku soo dhigeen dhalinyaro uu sheegay inay ka tirsanyihiin kooxda Al-shabaab.
"Waxaan gacanta ku dhignay tiro dhallinyaro ah oo la rumeysanyahay in ay ka tirsanyihiin kooxda Al-shabaab iyo hub farabadan, dadka la qabtayna weynu kala saari donaa ciddi dambi lagu waayo waa la sii deyndoonaa, howlgalkanna wuu sii socondoonaa ilaa Muqdisho laga sifeeynayo kooxaha liddiga ku ah ammaanka" ayuu yiri Taliyaha ciidamada Nabadsugida Gobolka Banaadir Qaliif Axamed Ereg.
Howlgalka maanta ayaa la sheegay in lagu soo qabqabtay dhalinyaro ad u fara badan oo tiradooda lagu qiyaasay 400-kuwaasoo la tuhunsanyahay inay ka tirsanyihiin kooxda Al-shabaab.
Ciidamada dowlada oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa waxa ay degmooyin ka mid ah gobolka Banaadir waxa ay ka wadaan howlgal xooggan kaasoo saraakiisha ciidamada dowlada ay ku tilmaameen in lagu xaqiijinayo amaanka caasimada.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|