|
Xisbiga Cadaalada iyo sinaanta ee Tayo Party aya waxaa uu marki ugu horeysay Xarun ka furtay Magaalada Oslo ee Xarunta Wadanka Norway..
Oslo Sabti 7 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Xisbiga Cadaalada iyo sinaanta ee Tayo Party aya waxaa uu marki ugu horeysay Xarun ka furtay Magaalada Oslo ee Xarunta Wadanka Norway..
Xafiiska Cusub ee Xisbiga cadaalada iyo sinaanta Tayo Party uu ka furtay wadanka Norway aya waxaa lagu soo dhaweyay Xaflad si heer sare ah lo soo agasimay islamarkana ay ka soo qayb galeen Masuliyin sumcad ku dhex leh bulshada Somaliyeed kuwaas oo uu ka mid ahaa halgamaaga weyn ee Cali Bolay oo asagau ka mid aha 13 dhalinyarada ahaa ee xornimada garsiyay Wadanka Somalia.
Furitaanka Xafiska ayaa waxaa Xariga ka jaray Halgamaa Cali Bolay oo ka tirsana SYL waxaana lagu soo adiyay bisha luuliyo oo ah bil aad ugu weyn ummada Somaliyeed wana biishi shacabka somaliyeed ay dhigeen heryadi gumaysiga.
Xarun Cusub ee uu xisbiga Cadaalada iyo sinaanta ee Tayo Party ayaa waxaay qabanayasa Diwaangalinta xubnaha Cusub ee Xisbiga tayo ku soo biraya iyo isku xirka guud ee Shacabka Somaliyeed ee dagaan Wadanka Norway iyo Hogaanka Sare ee Xisbiga Tayo Xafiiskan ayaa waxaa uu sido kale ka qayb qadaan doono Olaolaha Xisbiga Tayo u ku doonaayo in uu ku qabto hogaanka Dalka Somalia 5ta sano ee soo socota.
Xisbiga Cadaalada iyo sinaanta ee Tayo Party oo hada jira wax ka yar halsano ayaa waxaa uu ku socda si xowli ah marka la fiiriyo xarumaha uu wadamada Calamka ku leyahay iyo tirada xubnaha sida rasmiga ah uga diwaangashan xisbiga oo sii badanaya.



---------------------------
Nuur M.Caynte
Nairobi-Kenya
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|