|
Weriye ka tirsan Telefishanka Universal oo Muqdisho lagu dhaawacay
Mogadishu Sabti 7 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Weriye ka tirsan Telefishanka Universal oo Muqdisho lagu dhaawacay
Weriye C/qaadir Cumar Cabdulle (Kuwaaral) oo ka tirsan Weriyeyaasha Telefishanka Universal ayaa caawa fiidkii lagu dhaawacay magaalada Muqdisho xilli uu sii gelayay gurigiisa oo ku yaala agagaarka xaafadda Korontada ee Degmada Madiina.
Sida ay sheegayaan ilo wareedyo ku dhow goobta lagu dhaawacay weriye Kuwaaral, kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa la dhacay weriyaha dhowr xabadood hase yeeshee Weriyaha ayaa ka badbaaday isku day dil oo kooxaha hubeysan ay la damacsanaayeen.
Weriye C/qaadir Cumar Cabdulle ayaa la sheegayaa ayaa dhaawac ka soo gaaray rasaastii lagu furay, waxayna rasaasta uga dhacday qeybo ka tirsan jirkiisa, sida garabka iyo sinta iyadoo loola cararay isbitaal.
Dhinaca kale sida ay sheegayaan kooxaha dhaawacay weriye Kuwaaral ayaa la sheegayaa inay u suurtageli weysay inay dilaan kaddib markii uu oroday weriyaha, iyagoona doonayay inay dhameystiraan dhaawaca weriyaha, kuwaasi oo isaga baxsaday goobta ay ku dhaawaceen weriyaha.
Daqiiqado kaddib ayaa waxaa goobtaasi soo gaaray ciidamada ammaanka degmada Wadajir, hase yeeshee uma suuragelin inay soo qabtaan kooxihii falkaasi ka dambeeyay, mana aha markii ugu horeysay oo weriyeyaasha lagu dilo ama lagu dhaawaco weriyeyaasha ka howlgalada magaalada Muqdisho iyo guud ahaan gobolada dalka.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|