|
Safiirkii Ugu Horeeyey Ee K/Afrika u Fadhin Doona Somalia Oo Yimi Cape Town
Mogadishu Sabti 7 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Safiirkii Ugu Horeeyey Ee K/Afrika u Fadhin Doona Somalia Oo Yimi Cape Town
Safiir DKMG ah u magacoowdey Koonfur Afrika ayaa gaaray magaalada fadhiga baarlamaanka dalkaasi halkaasoo Soomaalida ugu tirada badan ay ku nooshahay.
Danojire Zayid Shariif oo dhawaan Madaxweynaha DKMG ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed usoo magacaabay in uu Soomaaliya u matalo Koonfur Afrika oo ay tahay markii ugu horeysey oo xiriir dublamaasiyadeed lala yeesho ayaa socdaan indho-indheyn ah ku maraya gobolo kala duwan oo dalkaasi ka tirsan oo ay Soomaali badan ku dhaqantahay.
Cape Town waxay ka mid tahay meelaha dhibaatooyin ugu badan ee dilalka ah loogu geysto Soomaalida, safiirka oo warfidiyeenada goordhow kula hadlay garoonka dayuuradaha ayaa yiri “Haddii su’aashiina ay tahay sababta socdaalkeeyga, waxaan oga jawaabayaa in kadib markii aad qeeylo dhaan balaaran dhankiina ka timid oo ku aadan dhibaatada aad qabtaan iyo in aad u baahantihiin safaarad ayaan halkan imid”.
Maanta galinka dambe ayaa lagu wadaa in uu bulshada kula kulmo dhismaha markaska Al-Bayaan ee ay Soomaalida leedahay.
Safiirka ayaa usii gudbaya magaalada Port Elisaberth oo ah halka Soomaalidii ugu badneyd lagu diley, isagoo horey usoo maray magaalooyinka Johannesburg, Pretoria iyo Polokwane.
Dowladda Koonfur Afrika ayaanan wali qaabilin waraajihiisa danojironimo, waxaase la hadal hayaa in bisha Augost ka dib uu safiirka si rasmi ah ugada galo shaqadiisa danojiranimo.
C/risaaq Indha Jaceyl
FG : Soo Gudbinta Warkan Waxaa Iska Kaashaday Bahda Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee K/Afrika SOJASA
Cape Town, South Africa
Naga filo sawirada soo dhaweynta safiirka cusub iyo warbixi dhamaystiran INSHA ALLAAH
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|