Somali News
    Hees  

Yuusuf Xaaji: "Waxaad iska luminaysaan shaqadiina haddii aydan samaynin wax qabad muuqda,

Mogadishu Sabti 7 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Yuusuf Xaaji: "Waxaad iska luminaysaan shaqadiina haddii aydan samaynin wax qabad muuqda, waxaa la idinkagabaahanyahay inaadwada shaqeysaan oo aad ka hortagtaan falalka amni darro ee kadhaca.."

Yuusuf Xaaji oo geeridii Prof George Saitoti kadib isku qabtay xilalka kala ah wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka iyo wasiirka kaashaandhiga dalka Kenya oo saxaafadda kula hadlay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa saraakiisha ciidamada Kenya ku dhaliilay inay ka muuqato dabacsanaan iyo wax qabadla’aan , isagoo ugu hanjabay in xilalkooda ay wayndoonaan haddii muddooyinka soo socda aysan samaynin waxqabad muuqda oo lataaban karo waa sida uu hadalka u dhigay.

Yuusuf Xaaji ayaa sheegay in todobaadyadii la soo dhaafay ay aad u korortay falalka amni darro ee ka dhaca gudaha dalka Kenya ,taasina sida uu sheegay ay muujinayso sida aysan xil isku saaraynin saraakiisha ciidamada dowladda Kenya .

"Waxaad iska luminaysaan shaqadiina haddii aydan samaynin wax qabad muuqda , waxaa la idinkagabaahanyahay inaadwada shaqeysaan oo aad ka hortagtaan falalka amni darro ee kadhaca gudaha kenya "ayuu yiri Yuusuf Xaaji Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in magaalada Gaarisa ee gobolka waqooyi bari dalka Kenya oo maalmo ka hor ay kadhaceen weeraro iyo qaraxyo galaaftay nolosha dad badan lala eegtay kaniisado ku yaalamagaladaasi lagahelrgelin doono in kabad saddex xarun oo ay ka howlgelayaan ciidamo boolis ah kuwaas oo ka hortagi doona falalka amni darro oo shababku ay kageestaan gobolka waqooyi bari dalka kenya .

Waxa uu sidoo kale yuusuf xaaji uu sheegay in xasilooni darrada ka jirta dalka Somalia saamaynteedu aysan ku ekaaneenin africa oo kaliya balse ay saamayndoonto caalamkla oo idil sidaa darteedna looga baahanyahay beesha caalamka inay si wada jir ah uga shaqeeyaan sidii nabad loogu soo dabaali lahaa dalka Somalia .

Digniintan loo jeediyay saraakiisha ciidamada dowladda Kenya ee ku sugan gudaha dalka Kenya ayaa ah mid imaanaysa maalin ka hor markii saraakiil sar sare iyo xubno ka tirsan maamulka magaalada Gaarisa laga qaaday xilalkii ay hayeen sababo la xiriira howl gudasho la’aan.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)