|
Dhallinyaro Soomaali ah oo maanta la soo taagayo maxkamad ku taala Gaarisa.
Mogadishu Sabti 7 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Dhallinyaro Soomaali ah oo maanta la soo taagayo maxkamad ku taala Gaarisa.
Magaalada Gaarisa ee gobolka waqooyi bari dalka Kenya maanta waxaa ka bilaabanaya maxkamad la soo taagaro saddex ruux oo soomaali ah kuwaas oo loo haysto dambi ah inay ka dambeeyeen afduubkii loo geestay shaqaalihii hay’adda NRC oo maalmo ka hor DKMG Somalia ay ku guulaystay inay xoog ku soo furato..
Dhallinyaradan maanta maxkamadda la soo taagayo ayaa lagu kala magacaabaa Ahmed Hassan , Abdikadir Omar iyo Hassan Ali , waxana xeer ilaaliyayaasha maxkamadu ay sheegeen in loo hayso dhowr dacwadood oo ay kamid tahay dilkii darawalkii baabuurka u waday shaqaalihii NRC .
Waxana dhallinyaradan oo warbaahinta la hadlay ay waxba kama jiraan ku tilmaamayn eedeynta loo soo jeediyay , iyagoo codsaday in baaritaano la sameeyo.
Maamulaha maxkamadda magaalada Gaarisa John Onyiengo ayaa tilmaamay inay hayaan xog ay ku kalsoonaan karaan , taas oo muujinaysa inay lug ku lahaayeen afduubkii shaqaalihii NRC ee la soo badbaadiyay .
John Onyiengo ayaa sheegay in xilligii la soo qabanayay dhalinyaradan ay hubaysnaayeen islamarkaana ay isku dayeen inay baxsadaan.
Maxkamadda ayaa soconaysa ilaa iyo ka bisha july , sida uu sheegay maamulaha maxkamadda Gaarisa., Kenya marar badan ayaa lagu maxkamadeeyay dhallinyaro Somalia oo loo haysto afduub iyo falal amni darro.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|