Somali News
    Hees  

Wadamada Kenya iyo Sierra Leone oo hishiis ka dhan ah Al-Shabaab wada gaaray.

Mogadishu Sabti 7 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Wadamada Kenya iyo Sierra Leone oo hishiis ka dhan ah Al-Shabaab wada gaaray.

Wasiirada difaaca ee dalalka Kenya iyo sierra leone Yuusuf Xaaji iyo Bacco Conteh ayaa hishiis is fahan ah oo ka dhan ah al shabab ku gaaray magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Hishiiska isfahanka ah oo ay wada gaarayn labada dowoladood ayaa ah mid ku salaysan iskaashi ku aadan la dagaalanka xarakada Al shabab oo ay sameenayaan ciidamada Kenya ee ku sugan gobollada jubbooyinka iyo ciidamada sierra leone ee lagu wado in todobaadyada soo socda ay yimaadaan dalka Somalia .

Wasiirka difaaca dalka Kenya yuusuf xaaji ayaa sheegay in hishiishka Nairobi uu kula gaaray dhiggiisa dalka sierra leone uu ahaa mid ku aadan sidii waqtiyada dhow xarakada al shabab looga saari lahaa magaalo degedeedka kismaayo oo uu tilmaamay in shababku ay ka helaan dhaqaalo badan.

Yuusuf xaaji ayaa tibaaxay inay ku rajo waynyihiin in waqtiyada soo aadan ay ka guulaystaan Al shabab oo gacanta dowladda KMG ay soo geliyaan deegaano shabaabku ay ka taliyaan.

Sidoo kale Wasiirka difaaca dalka sierra leone Bacco Conteh ayaa isna sheegay in dhawaan ay ka go’antahay in ciidamo ka kooban 850 askari ay ku daabulaan gobollada jubbooyinka si ay uga qeybqaataan howlgalka AMISOM ee ka dhanka ah al shabab.

Kenya waxa ay kamid tahay AMISOM halka sierra leone lagu wado inuu kamid noqdo AMISOM marka ciidamo dalkaasi ka socda ay yimaadan Somalia , waxana dowladahan loo xilsaray howlgalka AMISOM ee laga wado koonfurta Somalia , kaas oo xarakada al shabab looga fara maroojinayo deegaanada ay gacanta ku hayso.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)