Somali News
    Hees  

Dowlada Britain oo xirtay 7 ruux oo lagu eedeyay Argagixisonimo

Mogadishu Sabti 7 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Dowlada Britain oo xirtay 7 ruux oo lagu eedeyay Argagixisonimo

Ciidamada Boliska Briten oo sameeyay manta oo Jimco ah Howlgal
amaan oo saacado qaatay ayaa soo xiray 7 ruux oo lagu xiriirinaayo
Argagixisanimo waxaana tirade guud ee raga la xiray waxaa ay gaarayaan 24kii saac ee ugu dambeyay 13 ruux.

Walaac laga qabo carqalad ku timaada tartanka ciyaaraha Olympica addunka ee 2012 00 3 todobaad ka dib ka furmaaya Magaalada London ayaa kordhiyay in talaaboyinka aan caadi aheen la qaado waxaana uu noqonayaa heegankii ugu sareeyay ka dib weerarkii 2001 lagu qaaday
Magaaloyinka New York iyo Washington sida lagu daabacay wargeyska .

Howlgalkan lagu soo qabtay 7da ruux ayaa waxaa ka qeyb qaatay Boliska qeybta la dagaalanta Argagixisada Helicotaro Ambalsyo iyo tiro ka mid ah shaqaalaha Gurmadka

Maalamo sii horeeyay Boliska London waxaa ay xirxireen 6 ruux oo lala xiriirinaayo kooxo waday falal u muuqda kuwa argagixiso saddax ka mid ah waxaa la soo qabtay bariga London meel u dhow Stadumka lagu qabanaayo ciyaaraha Olompica

Jimcahan Maanta Boliska Britain ee Gobalka Midlands ayaa ku dhawaaqay in ay ka soo xireen 7 ruux hareeraha Magaalada Birmingham 3 ka mid ah da,dooda waxaa lagu sheegay in ay u dhaxeeyso 23 ilaa 27 waxaana laga soo xiray degmada Sparkhill ee Magaalada Birmingham Maalintii Talaadada halka seddexda kale ay da,aadodu u dhaxeeyso 22 ilaa 24 waxaana la xiray maalintii Ka dambeysay ee Arbacada Nin 43-Jir ah waxaa laga soo qabtay galbeedka Yorkshire galinkii dambe ee Khamiistii Shalay sida uu sarkaal boliska ka tirsan uu sheegay.

Boliska howlgalka sameeyay ma uusan sheegin caadeemaha ay u hayaan xariga dadka iyo waxa iska quseeya kooxaha qatarta ku ah tartanka Ciyaaraha Olopica oo todobaadyada soo socda bilaabanayaa ku dhawaad ilaa 200 oo wadan ayaa ka soo qeybgalaya tan iyo markii Britain loo ogolaada martigalinta Ciyaarahan Sanadkii 2005.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)