Somali News
    Hees  

Taliska ciidamada AMISOM oo la wareegay hoggaanka ciidamada Kenya ee ku sugan Koonfurta Soomaaliya

Mogadishu Sabti 7 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Taliska ciidamada AMISOM oo la wareegay hoggaanka ciidamada Kenya ee ku sugan Koonfurta Soomaaliya, iyadoo Munaasabad balaaran ay shalay ka dhacday magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Waxaa Munaasabadda laga sheegay in 4664-askari oo Kenyan ay si rasmi ah uga mid noqdeen ciidamada AMISOM bishii Juun ee lasoo dhaafay, kuwaasoo tirada AMISOM ka dhigay 17,000 oo askari.

Danjire Abuubakar Diarra iyo taliyaha AMISOM, Jen. Andrew Gutti ayaa munaasabadaasi si buuxda uga qeybgalay , waxaana la isla gartay in Ciidamada Kenya ay hoggaan ahaan iyo howlgal ahaan ay ka mid yihiin AMISOM.

Dajire Diarra ayaa halkaasi ka sheegay inay soo dhaweynayaan dadaalka lagu caawinaayo Shacabka Soomaaliya, wuxuuna si buuxda ugu mahadceliyay shacabka iyo dowladda Kenya

"Midowga Afrika ujeedkoodu waa in si wadajir ah looga shaqeeyo ammaanka iyo deggenaashaha dalalka xubnaha ka ah ururka. Waxaa cad in Al-shabaab oo ka mid noqotay Al-Qaacida aysan khatar ku ahayn Soomaaliya oo keliya, hase yeeshee ay khatar ku tahay dalalka gobolka oo dhan" ayuu yiri Danjire Abuubakar Diarra.

Dajiraha waxa kale oo uu sheegay in Kenya ay taariikh u tahay ka qaybgalka dadaalka lagu soo celinayo nabaddii iyo kala dambeyntii Soomaaliya, wuxuuna sheegay in sidoo kale ay dalkeeda ku hayso dad badan oo qoxooti Soomaaliyeed ah oo ka soo cararay dalkooda.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)