|
Elman oo dhufatay Heegan, halka Jeenyo ay ku durdurisay Badbaado
Mogadishu Sabti 7 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Elman oo dhufatay Heegan, halka Jeenyo ay ku durdurisay Badbaado
Ciyaar lagu macneeyay tii ugu adkeyd tan iyo intii horyaalka
Soomaaliya xili ciyaarddeka 2012 uu bilowday muddo iminka bil laga
joogo ka hor ayaa kooxda horyaalka difaacaneysa ee Elman waxaa ay
maanta oo jimco ah 3-0 dhabarka dhulka ugu dhigtay kooxda Heegan oo ay
shiiqday rajadii ay maanta ka lahayd hogaanka tartanka in ay Elman
kala wareegto.
Ciyaartii maanta oo Jimco ahayd dhex martay Elman iyo Heegan waxaa ay
soo jiidatay dadkii ugu tirada badnaa ee lagu arko garoon ku bada
cagta lagu cayaarayo dalka Soomaaliya muddo dhowr sanmadood ah.
Wasiiru dowladaha wasaarada shaqada, shaqaalaha, arrimaha bulshada iyo
dhalinyarada iyo Isboortiga cabdullaahi Sheekh Cali diplomaasiga weyn
Maxamed Axmed Caalim, guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada
cagta Cali Saciid Guuleed Rooble, xoghayaha guud Cabdi Qani Saciid
Carab iyo masuuliyiin kale ayaa ka mid ahaa dadkii ciyaartii galabta
daawanayay.
Ciyaartu waxaa ay ahdy mid aad u kulul waxaana labada kooxood mid
waliba ay ku hamineysay in ay urursato sadexda dhibcood ee lagu hanto
guusha ciyaar kubada cagta ah, laakin si kastaba ha ataatee ciyaartii
maanta ayaa ku dhamaatay 3-0 ay guushu ku raacday kooxda Elman.
Weeraryahan Cabdi Kariin Abuukar Nuur ayaa kooxdiisa u dhaliyay
goolk,iii ugu horeeyay daqiiqadii 10-aad ee ciyaarta qeybteedii hore
kadib markii rigoore loo dhigay, halka Cabdi Caziiz Maxamed Cali
Hoomey uu dhaliyay goolkii 2-aad daqiiqadii 42-aad ee qeybta hore.
Goolkaasi waxaa uu ahaa kiisii ugu horeeyay xili ciyaareedkan halka
sanadkii hore uu noqday dhaliyihii ugu goolasha badnaa laakin sanadkan
ma ahan sidii hore.marka loo eego ilaa iyo hada in uu hal gool oo
keliya dhaliyay.
Qeybtii dambe ee ciyaarta daqiiqadii 67-aad ayaa Elman ay heshay
gookeedii 3-aad waxaana u dhaliyay cayaaryahanka la yiraahdo Cawil
Cabdi Xuseen.
Sida ku cad jadwalka tartanka Sabti iyo Axad waa la nasanayaa maalinta
Isniinta ahna waxaa is haleeli doona kooxaha kala ah Banaadir Sports
Club iyo Sahafi FC
Si aad ula socoto kala horeynta horyaalka Soomaaliya riix linkiga
hoose ee page-ka Soomaaliya ay ku leedahay Website-ka xiriirka kubada
cagta aduunka ee FIFA oo ay tahay sanadkii labaad ee kala horeynta
horyaalka Soomaaliya lagusoo daabacayo.
http://www.fifa.com/associations/association=som/index.html





Taariikhda Horyaalka

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|