|
Wasiirka dastuurka oo shaaca ka qaaday in Muqdisho aysan shaki ku jirin inay tahay caasimada dalka Soomaaliya
Mogadishu Sabti 7 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Wasiirka dastuurka oo shaaca ka qaaday in Muqdisho aysan shaki ku jirin inay tahay caasimada dalka Soomaaliya.
Wasiirka dastuurka, arimaha Federaalka iyo dibu heshiisiinta C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa tilmaamay in magaalada Muqdisho ay tahay caasimadda dalka Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sheegay in dib u eegis lagu sameynayo maqaamka ay yeelaneyso Caasimada Soomaaliya ee Muqdsho, waxaana uu carabka ku dhiftay in sharci gaar ah loo sameyndoono Muqdisho.
"Muqdisho shaki kama taagna inay tahay caasimada dalka, laakiin maqaamka ay yeelaneyso waxaa lagu sameynayaa dib u eegis sharci gaar ah ayaana laga soo saarayaa"ayuu yiri Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil oo u waramayay Idaacada VOA-da laanteeda Afka Soomaaliga.
Dhinaca kale Maxamuud Axmed Tarsan duqa magaalada Muqdisho ayaa si kulul uga soo horjeestay dastuurka, kadib markii laga waayay qodobo si cad u qeexaya ama ka halaya maqaamka ay yeelaneyso caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|