|
Madaxweyanha Puntland Faroole oo ansaxiyay xeerka xisbiyada Puntland
Mogadishu Sabti 7 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Madaxweyanha Puntland Faroole oo ansaxiyay xeerka xisbiyada Puntland
Madaxwyenaha maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Shekh Maxamuud Faroole ayaa maanta saxiixay xeerka xisbiyada Puntlnad kasoo horay ay u soo ansaxiyeen Baarlamaanka Puntland.
Madaxweyne Faroole ayaa sheegay in xisbiyo sameysma looga gudbayo habka beeleed ee awoodda lagu qaybsado, isagoo arrintaas ku tilmaamay guul Puntland u soo hoyatay, isagoo intaasi ku daray inuu ku faraxsanahay in Puntland leedahay dastuur meel maray iyo nidaamka xisbiyada badan.
"Waxaan ku faraxsanahay in Puntland leedahay dastuur meel maray iyo nidaamka xisbiyada badan oo ay waddadeedii hayso, waxaa maanta billowday socodkii dimuqraadiyadda Puntland, maadaama la dhaqan-geliyay sharciyada ururrada siyaasadeed" ayuu yiri madaxweynaha Puntland oo ka hadlay munaasabaadii uu ku saxiixay sharciga xisbiyada Puntland.
Faroole oo hadlakiisa sii wata ayaa waxaa uu sheegay in waxgaradka iyo odayasha puntland looga baahanyahay inay qaataan doorkooda isla markaana soo xulaan xubnihii uga mid noqon lahaa gudiga ansaxinaya dastuurka.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|