|
Eritrea oo iska fogeysay inay Shabaab taageeraan
Mogadishu Axad 8 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Eritrea oo iska fogeysay inay Shabaab taageeraan
Dawlada Eritrea ayaa si kulul gaashaanka ugu daruurtay cuna qabatay ay dawlada Maraykanku ku dul saartay 2 sarkaal ooka tirsan ciidamada military, Eritrea oo lagu eedeeyay inay taageeraan XarakaddaAl-Shabaab.
War ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibbadda Eritrea ayaa waxaa lagu sheegay in Maraykanku uu gar darro ku maagay 2 ruux ee Eritrean isla markaana ay been abuur ah in labada shaqsi ay Shabab taageeraan sida warka ku qoran.
Eritrea waxay xustay in dawlada Maraykanka iyo Q,May qaadeen tilaabo aan mas’uuliyad ku dhisneyn oo lala deg degay.
"Waxaan xaqiijinaynaa in labadasarkaal ee kala ah Tewolde Habte Negash iyo Taeme Abraham Goitom ay barri ka yihiin eedeynta loo soo jeediyay isla markaana si gardarro ah lagu maagay" ayaa lagu yiri war saxaafadeedka kazoo baxay wasaaradda arrimaha dibbadda Eritrea.
Dawlada Eritrea waxay Q,M ku eedeeysay inay qaado wadokasta oo qaldanoo Maraykanku u jeexo caddalada iyo runtanaay ka leexato.
Dawladaha caalamka ayay xukuumadda Asmara waxay ugu baaqday inay kala qeyb qaataan ol ole ka dhan ah Maraykanka iyo Q,M maadaama ay ku xad gudbeen qaranimada Eritrea.
Eritrea dhowr jeer ayaa lagu eedeeyay inay Shabab taageeraan hase ahaatee waa ay iska fogeysaa.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|