Somali News
    Hees  

Madaafiic xalay lagu weeraray magaalada B/Weyne iyo is rasaaseyn dhex martay ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa Al-Shabaab

Mogadishu Axad 8 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Madaafiic xalay lagu weeraray magaalada B/Weyne iyo is rasaaseyn dhex martay ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa Al-Shabaab.

Xaaladda magaalada B/Weyne ayaa degan saakay kaddib markii ay ka dhaceen xaafado ka tirsan magaaladaasi dagaallo fool ka fool ah oo dhex maray maleeshiyaad ka tirsan ururka Al-Shabaab iyo ciidamada Itoobiyaanka ah oo degan duleedka magaalada B/Weyne.

Dagaalada xalay ka dhacay xaafadda Howlwadaag ee magaalada B/Weyne oo markii hore dhex maray ciidamada Dowladda iyo kuwa Al-Shabaab ayaa waxay geysteen qasaarooyin isugu jira dhaawac iyo dhimasho dhinacyada dagaalamaya iyo dad rayid ah.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in ciidamada Itoobiyaanka ah ay soo baxeen markii ay iska hor imaadyada ka dhaceen magaalada B/Weyne, iyagoona baadi goobaya kooxaha hoobiyeyaasha ku soo tuuray xeradii ay degenaayeen, iyagoo is rasaaseyn dhex martay isla markaana ay cagta mariyeen kooxihii Shabaab ee iyagu ka dambeeyay weerarka hoobiyeyaasha ah.

Dhinaca kale ma aha markii ugu horeysay ee magaalada B/Weyne ay ka dhacaan dagaallo iska hor imaadyo u dhaxeeya maleeshiyaadka Shabaab iyo ciidamada Dowladda iyo kuwa shisheeye ee iyagu magaalada B/Weyne ku sugan.

Dagaalka xalay ka dhacay magaalada B/Weyne ee gobolka Hiiraan ayaa noqonaya dagaalkii ugu horeeyay tan iyo markii magaaladaasi ay tageen ciidamo ka tirsan AMISOM oo ka socda wadanka Jabuuti, hase yeeshee xalay ciidamadaasi iyagu dagaalka wax lug ah kuma lahayn.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)