Somali News
    Hees  

Taliska AMISOM oo afhayeen cusub u magacaabay Sarkaal ka tisan Ciidamada Jabuuti.

Mogadishu Axad 8 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Taliska AMISOM oo afhayeen cusub u magacaabay Sarkaal ka tisan Ciidamada Jabuuti.

G/sare Cali Aadan Xaamud ayaa loo magacaabay inuu noqdo Afhayeenka cusub ee AMISOM , iyadoo uu howsha kala wareegi doona afhayeenkii hore ee AMISOM Col. Paddy Ankunda oo u dhashay dalka Uganda.

Sarkaalkaan Jabuutiyaanka ah ayaa ka hadlay munaasabaddii lagu magacaabay oo ka dhacday taliska guud ee ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin ee Xalane, wuxuuna sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu noqdo afhayeenka ciidamada AMISOM ee ka howlgalaaya Soomaaliya.

"Inaan Afka Soomaaliga ku hadlo waan ku faraxsanahay, Soomaalidu si wanaagsan ii fahmi doonaan, waxaana soo gudbin doonaa howlgalladu meesha ay marayaanna" ayuu yiri G/sare Cali Aadan Xaamud oo la hadlaayay Warbaahinta gudaha iyo dibadda.

Col. Paddy Ankunda Afhayeenkii hore ee Ciidamada AMISOM ayaa isna sheegay inuu ku faraxsan yahay afhayeenka cusub ee la magacaabay ciidamada Midowga Afrika, islamarkaana uu ka gacan siin doono Howshiisa.

Dhinaca kale Afhayeenka cusub ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in dhawaan guulo laga gaari doono howgalka AMISOM ee ka socda Soomaaliya, kaasoo ay ka qeyb qaadanaayaan Ciidamo ka kala socda dalalka Uganda, Burundi, Kenya, Jabuuti iyo Sierra Leone.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)